Degmada Cusub Ee Gunburaha Oo Munaasibadeedii Kulmisey Xibigyada Qaranka Wasiiro Iyo Masuuliyiin Tiro+Sawiro

0
Saturday August 27, 2016 - 17:18:17 in by Burco Office
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Cusub Ee Gunburaha Oo Munaasibadeedii Kulmisey Xibigyada Qaranka Wasiiro Iyo Masuuliyiin Tiro+Sawiro

    Degmada Gunburaha oo ka mid aheyd degmooyin uu dhawaan madaxweyne Siilanyo uu magacaabay oo ku taala jidka u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa Iyo Caasimad Gobalka Hawd ee Baligubadle ayaa waxaa maanta loo qabey xaflad loogu wanqalaayo degmadaasi cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Gunburaha oo ka mid aheyd degmooyin uu dhawaan madaxweyne Siilanyo uu magacaabay oo ku taala jidka u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa Iyo Caasimad Gobalka Hawd ee Baligubadle ayaa waxaa maanta loo qabey xaflad loogu wanqalaayo degmadaasi cusub .


18

 

Munaasibadan balaadhan oo loo qabtey xafladan wanqalka ah ayaa waxaa ka soo qeyb Galay madaxda xisbiyada qaranka ee Waddani , UCID , Kulmiye , Wasiiro, Xildhibaano , Madax dhaqameed , Maayarka Caasimada , gudoomiyaha gobalka Togdheer iyo masuulyiin kale .

6

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadley gudoomiyaha gobalka Hawd oo ay degmadan Cusbi hoos timaado gobalkiisa waxaana uu madaxweyne Siilanyo uga mahadnaq In magaalada Gunburaha u magacaabo Degmo oo uu sheegay in ay u qalanto .

50

15

Suldaanku Guud ee Beelsha Arab Sul. Cumar Suldaan Maxamed Sul.Faarax oo isaguna madasho hadlo kooban oo soo dhaweyn ah ka yidhi ayaa madaxweyne Siilanyo waxaa uu isna dhankiisa uga mahadnaq in Gunburaha uu u magacaabo Degmo waxaana uu dhamaan marti sharfta ku soo dhaweeyey xafladan wanqalka Ah gaar ahaana madax dhaqameedka .

2

Sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadley Madax dhaqameedkii xaflada wanqalka ah ka soo qeyb galay waxaana ay dhamaantood sheegeen in beesha degmadan Cusub loo magacaabey ee (ARAB) uu mid waliba meel ood wadaag kala yahay isla markaana ay ku faraxsan yahiin .

5

Dhinca kale madasha oo aheyd mid aad u balaadhan waxaaa hadlo ka yidhi Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo isagu hogaaminaayey waftigii xisbiga Waddani ee xaflada ka qeyb galay waxana uu gudoomiyuhu uu halkaasi kaga dhawaaqey Gaadhi Cusub oo ay ugu talo galeen degmadan cusub isla markaana ay kaga qeyb qaadanayaan qadhanka loo ururinaayo Degmadan cusub .

11

Maxmed Kaahin Axmed oo isana hogaminayey waftigii xisbiga Kumiye ee xaflad ka qeyb galay ayaa waxaaa uu isna dhinaciisa ku dhawaaqay lacag dhan $10,000 ( toban kun oo Dollor) oo uu xisbigiisku kaga qeb galaayo qaadhanka degmadan cusub

10

Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa isna waxaaa uu heegay in uu kaga qeyb qaadan doono degmadan Cusub qaadhanka loo uruurinaayo lacag ay qadarkeedu tahay $5000 (shan kun oo dollor).

14

Gabo gabadii waxaa iyaguna madasha hadlo kooban ka yidhi wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilayo waxaana ay dhamaantood sheegen in ay ku faraxsan yahiin in magaalada Gunburaha loo magacaabo degmo isla markaana ay aad ugu mahadcelinayaan Madaxweynaha qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo

21

51

16

1
34

789

13

17
1920
222324252627282930313233343536373839404142434446474849

52535455565758