Wasiir Cadami Oo Sheegay In Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wasiir Waran-cadde Isku Ogaayeen Xilka Wakiilka Dalka Itoobiya Ee Loo Magacaabay

0
Sunday August 28, 2016 - 11:50:20 in by Burco Office
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cadami Oo Sheegay In Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wasiir Waran-cadde Isku Ogaayeen Xilka Wakiilka Dalka Itoobiya Ee Loo Magacaabay

    Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hadlay xilka safiirnimo ee loo magacaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, oon ilaa hadda wax hadal ah laga haynin, waxaanu sheegay in Madaxweyna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hadlay xilka safiirnimo ee loo magacaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, oon ilaa hadda wax hadal ah laga haynin, waxaanu sheegay in Madaxweynaha iyo Cali Waran-cadde aanu wax khilaaf ah soo kala dhexgelin xilkana ay isku sii ogaayeen.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xilka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Diiwaangelinta Gobolka Sool ka socota waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan "Wax alaale wixii Gobolka Sool ka soo jeeday ilaa Wasiirul Dakhiligii meesha ayay joogaan, waxa kaliya ee ay u joogaan wacyi-gelintii, hore waa loogu sheegay, haddeerna waa lagu wadaa, si fiican bayna runtii ay u socotaa, oo nabadgalyo ah, wararka ka imanayaa safaf dhaadheer baana lagu jiraa,markaas wax dhib ihina ma jiro, maanta adduunka wax lagu kala awooda bataa warqadaas Sanduuqa lagu ridayo, haddii ay taasi ka daciifto ama aanad ugu hagar bixin sidii la rabay marba khasaaruhu adiga ayuu ku hor imanayaa, Gobolka Soolna ilaa hadda natiijo fiican ba ka muuqata, waxaana rajaynayaa inay sidaas ku socoto, tiro wanaagsana diiwaangelintu ku dhamaato”.
Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Wasiirka loo magacaabay ayaa yidhi "Waa ragganimo waa lexejeclo wanaagsan oo soo korodhay oo la gaadhay inaanay cid gaar ahi qandaraas ku haysan Wasaaradd mucayin ah, waxay wax walba ku hagaagayaan oo la iskugu imanayo oo si cadaalad ah wax loo qaybiyo waxtar iyo wanaag bay u soo kordhinaysaa Somaliland, waxna yeeli mayso”.
Wasiir Caddami mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko xilka Safiirnimo ee loo magacaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ku jawaabay sidan"Cali Waran-cadde waa nin waayo-arag ah, sida ay dadku wax u qaada dhigayaan maaha, wax khilaaf ah oo isaga iyo Madaxweynaha ka dhex jiraa ma jiro, Madaxweynuhu isaga ayaa wax magacaaba, cid kale oo awood ku lihi ma jirto, meesha lafteeda in laga dhigayo wuu ogaa, oo waa laga wada hadlay, dan guud oo umaddu wada leedahay oo cid gaar ahi aanay lahayn ayaa laga wada hadlay, sidaas ayaa la isku afgartay, Waran-cadde waa nin waayo-arag ah waa nin wax badan qabtay, waa nin xilkii loo dhiibo aad iskugu taxalujiya oo wax weyn ka qabta, xilkan loo dhiibayna Wasaaraddii Arrimaha Dibada ayuun bay noqonaysaa, magaca raaxo iyo nasashaba iyadaa badan, oo ku soo bixi maayaan aroornimadii laba iyo laabatan dacwadood oo ta kale ta kale burinayso, Wasiirka cusub ee loo magaacabay Wasaarradda Arrimaha Guddaha waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu fududeeyo, isagana [cali warancade] Safaarada loo dhiibay ee dawladaas aynu jaarka iyo saaxibkaba nahay sidaas loogu xulay ee loogu gartay waan ku kalsoonahay inuu isna uga shaqeeynayo”.