Abwaan Laab-saalax Oo Cadeeyey In Uu Ka Huleelay Kooxdii Xidigaha Geeska Maxaa Sababay In U Ka Baxo

0
Sunday August 28, 2016 - 11:53:09 in by Burco Office
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Laab-saalax Oo Cadeeyey In Uu Ka Huleelay Kooxdii Xidigaha Geeska Maxaa Sababay In U Ka Baxo

    Gudoomiyihii hore ee kooxda Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka baxay kooxdii xidigaha geeska ee uu inta mudada ahba gudoomiyaha iyo xubinimdaba ka soo mid ka ahaa hadaba abwaan Laabsaalax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii hore ee kooxda Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka baxay kooxdii xidigaha geeska ee uu inta mudada ahba gudoomiyaha iyo xubinimdaba ka soo mid ka ahaa hadaba abwaan Laabsaalax

ayaa waxa uu qoraal uu kaga hadlayo sida uu isaga casilay soo dhigay bartiisa bulshada ee Faccebook isagoo ku faahfaahiyay qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayd waxa ku kalifay in uu kooxdan uu heerka fiican gaadhsiiyay in uu isaga baxo, hadaba abwaan laabsaalax qoraalkiisu wuxuu ku bilaabay
"Xidigaha Geeska Ma jecli inay Dib u dhacaan, inay Horumaraan Moooyee, waayo Ninkii Magaca Wayn Ee Xidigaha bixiyayba waa Aniga
Hadana Markaan eegay arimo badan darteen Waxaan Go,aansaday inaanan ka Sii Mid ahaan
Hadaan Xidigaha ka Baxayna Macnaheedu maaha inaan Fankii ka baxay Markasta waa saaxiibaday Markastana waa walaaladay Kuwaan magaca ku dhex yeeshayna waa iyaga
Hadana waxaan isku Qanciyay inaan noqdo Saaxiibkood oo Dibada ka jooga Xumaan Li,i
Abwaan laabsaalax oo ka mid ahaa abwaankii ugu magaca dheeraa kooxdan xidigaha geeska ayaa waxa ka bixitaankiisani uu ku noqon doonaa mid saamayn weyn ku yeesha maadaama uu ka mid ahaa laf dhabartii kooxdan aadka u caanbaxday isagoo siduu hadalkaba sheegay ka mid ahaa aasaasayaashii iyo shaqsigii magaca kooxdaba bixiyay uu ahaa, kooxda xidigaha geeska ayaa in dhawaanahanba la soo wareniyay in khilaaf uu ka dhex jiray tan iyo markii ay doorteen maamulka cusub ee hada hogaamiya