Buugga DUCAQABE Ee Qoraa Xasan Cabdi Madar Ka Diyaariyey Marxuum Cigaal Oo Hargeysa Lagu Gardaadiyey

0
Sunday August 28, 2016 - 11:56:58 in by Burco Office
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buugga DUCAQABE Ee Qoraa Xasan Cabdi Madar Ka Diyaariyey Marxuum Cigaal Oo Hargeysa Lagu Gardaadiyey

    Shirkada Daabacada Casriga ah ee Sagal jet ayaa habeenkii xalay ahaa soo bandhigtay buug laga qoray taariikhdii rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, kaas oo lagu maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada Daabacada Casriga ah ee Sagal jet ayaa habeenkii xalay ahaa soo bandhigtay buug laga qoray taariikhdii rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, kaas oo lagu magac daray Duco Qabe.


Maareeyaha Guud ee Shirkada Daabacada Casriga ah ee sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyay buugan.

"waxaanu soo kordhinay inaanu buuga Tafatirno oo dhalinyarada ka caawino,waxaanan u taagan nahay markasta inaanu wixii aanu la qaban karno lana-qabano Qoraayadda Lagu Tanaaday Ee Warbixinaha Laga Dhaxlay Aqoon yahanadeena markasta soo bandhiga buugta ku qotomaha xaqiiqooyinka,shirkada sagal jet waa shirkad markasta bulshada u adeegta,buugan laga qorayna aabihii Somaliland waxa ay ka gaysatay kaalin muuqata,waanad arkaysaan in ay iyadu soo qaban qaabisay oo xafladan maanta iskugu kiin keentay.

Buugan Ayaa hawshiisa ugu adag waxa dhexda u xidhatay oo sida ugu quruxda badan u daabacday aabihii Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo tariikhda somalida baal mudan kaga jira,isaga oo shirkadana sheegay in ay Adeegyo badan soo kordhisay oo bulshada u baahnayd talooyin badan oo lasiiyna ay meel marisay.

Khadar cabdi cabdilaahi oo ku hadlayay Afka ururka hiil-Qalin iyo Shirkada Daabacday Buugan Ee Sagal Jet ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Bulshada Madashan ka Kasoo qayb Gashay waxaana uu cadeeyay waxa ay u taagan yihiin inuu yahay sidii ay afka somaliga u soo noolayn lahaayeen.

"waxaanu u taaganahay inaanu afka somaliga u hiilino soona noolayno afka somaliga,waxaanan soo dhawaynaynaa Dadka buugta qora waanu tageeranaynaa macaa hadii ay xaga kharashka lagu daabacayo ka baqayaan anaga ayaa gacan qaban doona qofkasta waxaanu ku dhiiri galinaynaa inuu qoro buugta ka hadlaya tariikhda shekooyinka ,waxaanu uu soo jeediyay in buugta la iibsado si aan niyadda looga jabin dhalinta u ban-baxday qorista buugta ee u baahan in lagu dhiiri galiyo.

Qoraa Xasan Cabdi Madar oo isaguna Madashan ka Hadlay ayaa Bogaadiyay Masuuliyiinta Madashan ka Soo Qayb gashay,waxaana uu cadeeyay in sagal Jet tahay Shinbir khayr qaba oo bulshada u soo baxday,waxaana uu ka hadlay buuga Faa’idada ku jirta Isaga oo cadeeyay in sagal jet ahaan iibsadeen 25 buug

"waxaan ka abaaray halgankii iyo siyaasadii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxaana uu ahaa Halgamaa Wakhti badan naftiisa u huray Somaliland,waana Madaxwaynahii dimuq-raadiyada,dadka gacan ka gaystayna way badan yihiin oo cid kasta oo aqoon u lahayd waan waraystay,Erayga Duca qabe waa dhab oo madaxwayne Xaaji Ibraahin Cigaal wuu isticmaali Jiray ilaa Xiligii Raysal Wasaaraha uu Ahaa.

Qoraaga Buugan Soo Saaray ayaa sheegay in qadarka lacagta lagu iibsanayo ay dhan tahay 20 Dollar,waxaana uu bulshada u soo jeediyay in iibsadaan si ay tariikhdii faca waynayd ee madaxwaynaha ay uga haqab baxaan.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa buugan ka shekeeyay sida uu muhiimada badan ugu leeyahay bulshada Somaliland,waxaana uu sheegay inuu ahaa hogaamiye lagu dayan Karo madaxwaynahii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

"waxa uu madaxwayne Xaaji ibraahin Cigaal waxa uu kala doortay Magac,maal iyo Madaxtinimo,waxaana uu ka doortay Madaxtinimo,waxaana uu iska diiday maalka isaga oo aabihii Ahaa taajir,Xaaji ibraahin cigaal waxa uu ka dhabeeyay inuu iska diiday maalkii iyo inuu dhaxlo hantidii aabihii uga tagay inta uu xilka hayayna waxa laga dhaxlay maah-maahdii ahayd siyaasadda guri ayaa loo iibiyaa ee guri lagama dhisto,markaas buugan waxaad ka dhaxli kartaa intaad yartay inaad hiigsi iyo himilo yeelato.

Intaas waxa uu ku daray.”sida ku cad buugan waxa uu madaxwayne xaaji ibraahin cigaal noqday Xog-hayihii Guud 1950 isaga oo 27 jira,waxaana uu 31 jir ku noqday Raysal wasaare waxaana uu saxeexay heshiisyo caalami ah,waxaana uu dhalinyarada ku guubaabiyay in ay noqon karaan Marxuum Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal Oo kalaa,waxaana uu 1993 soo dhisay dawlad yar oo kooban xiligaas oo ay bulshada beela beelo u kala fadhiday ku dhiiraday inuu dhiso dawlad,waxaana uu dhisay haay’addo dawli ah,isaga oo sameeyay ciidan qaran iyo hub ka dhigistii,waxa uu qoray dastuurka Somaliland isaga oo sameeyay afti dhisayna korna u qaaday ilaha dhaqaalaha.sidaas ayuu yidhi Cabdi kariim Axmed Mooge

Cabdi Kariim Axmed Mooge oo buugan soo Akhriyay ayaa tilmaamay inuu wasiiradiisa u hoga Tusaalayn Jiray in ay xilka ummada ugu adeegaan una soo diri jiray waraaqo adag oo ugu iftiiminayo Dhaliilaha jira ee u baahan in ay daboolaan,waxaana uu u mahad naqay shirkada sida quruxda badan u soo daabacday ee Sagal Jet,waxaana uu cadeeyay in buugta si wanaagsan loo iibsado.

Maxamed Baashe Oo Isna qoraa ah ayaa u mahad naqay qoraaga buugan iyo sida madashan bilan ee dhacdada bilan lagu hayo ka soo qayb gashay,waxaana uu cadeeyay madaxwayne Xaaji Ibraajin Cigaal inuu ahaa aqoon yahan iyo Nin Himilo fog lahaa,waxaana uu buugan ku sheegay mid saxar tiray Halgankii iyo Siyaasadii Xaaji Ibraahin Cigaal.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Maxamed Cabdi Jaamac xuuto ayaa sheegay in ay warbaahinta Somaliland u ahaa baal dahab ah,waxaana uu ka shekeeyay hal-hays-yadii kala dhex maray warbaahinta iyo Madaxwayne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahi Cigaal.

"waxaanan u hambalyaynaa Xasan Cabdi Madar ka saxaafad ahaan fursad ayaynoo tahay buug kasta oo soo baxa,waxaanan qayb ka qaatay buugan markii la uruurinayay caqabado ayaanu kala kulanay markaanu xogta dhabta ah uruurinayay,waxaana uu faysal cali waraabe u soo jeediyay inuu 50 buug ka bixiyo saxaafada Somaliland si ay ugu taba-barato madaama oo uu adeeyo markasta

Cabdi Qaadir Jirde ayaa si qoto dheer uga hadlay hab-dhaqankii madaxwayne Marxuum Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal,waxaana uu sheegay in qaranka Somaliland marka uu difaacayo inuu is madax mari jiray halka uu qadiyadda ka taagan yahay,isaga oo darsayay cimrigii siyaasadeed iyo inta uu la shaqaynayay inuu ahaa qof xilkiisa iyo mansabkiisa ku ixtiraamo.

"markii ugu horaysay ee aan arko waxa ay ahayd dhawr iyo kontankii isaga oo ka hadlaya Khayriyada,waxaana iigu xigtay 1969kii waxaana iigu xigtay 1993kii,waxaanan iiga shekeeyay qayb oo ay soowada shaqeyeen,waxaan ahaa xog-hayihii markii dastuurka laysku soo duba-riday,waxaan ka maro kacayaa intaanu ku gudo jirnay dastuurka inaanu fariin noosoo dirin isaga oo noodaayay sidaan hawlaha u wadnay,waxaana guddoomiye noo ahaa markii xukuumadda lasoo dhisayay daahir riyaale halka xog-hayena noo ahaa madaxwaynaha hadda somaliland maamula Axmed Siilaanyo.

Amsatoor Cawil oo khudbadi qiimo badan oo ku suntan tariikhda uu u soo joogay Ee Marxuum Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal ayaa cadeeyay inuu ahaa nin adkaysi badan oo xabsiga uu ku jiray 12ka Sano uu u adkaystay,isla markaasna aan habeena ka noqonin hadafkiisii uu doonayay inuu ka dhabeeyo.

"waxa uu run ahaatii nin aan hal buug oo kaliya lagu qori Karin Guryihii aabihii oo dhan waxa uu u iibiyay sidii uu Ururkii SNM U noolayn lahaa ee uu ugu dhigi lahaa xisbi jira,waxaan Xasuustaa markii dastuurka la qorayay,waxa uu ugu yidhinin wayn ayaan ahay oo dadkeena aad ayaan u aqanaa oo dadkeena hadaanan dastuur u qorin way is dilayaan markaan dhinto si ay u akhriyaan,inta uu xabsiga ku jiray waxa uu ahaa nin adkaysi badan oo qof la adkaysi ahi jirin waxa uu xidhnaana 12 sanno.

Gunaanadkiina waxa xaflada soo xidhay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Cali Sslaan Jirde, waxaanu halkaasi ku qaatay tiro 50 buug ah oo laga qoray taariikhdii rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.