Haweeney Hubeesan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

0
Sunday August 28, 2016 - 12:14:21 in by Burco Office
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Hubeesan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

    Ciidamada Nabad Sugida ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen Haweeney la sheegay in ay katirsaneed Kooxda Al-Shabaab una qarin jirtay hubka ay xiliyada qaar ay dilalka uga fuliyaan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Nabad Sugida ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen Haweeney la sheegay in ay katirsaneed Kooxda Al-Shabaab una qarin jirtay hubka ay xiliyada qaar ay dilalka uga fuliyaan magaalada Muqdisho.

Gabadhan ay qabteen Ciidamada Nabad Sugida ayaa lagu magacaabaa Sumayo Maxamed Geeddi , waxaana xiliga la qabanayay ay boorso ku wadatay qorayga loo yaqaan AK-47 oo la sheegay in ay u waday dagaalyahan katirsan Al-Shabaab.


Sumayo oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in mudo kooban la shaqeeneysay xubno katirsan Al-Shabaab uuna howshaasi kusoo xiray nin katirsan Al-Shabaab oo ay sheegtay in uusan Muqdisho joogin uuna jiro meel gobol ah.


Gabadhan katirsan Al-Shabaab ee qabteen ciidamada Nabad Sugida ayaa sheegtay in ay dagneed labo guri oo ku kala yaalay Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, waxa ayna tilmaantay in qorayga lagu qabtay ay waday nin kale oo katirsan Al-Shabaab.


Ciidamada Nabad Sugida ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday magaalo Muqdisho howlgalo balaaran oo amaanka lagu xaqiijinayay , waxa ayna ciidamada xireen dhalinyaro lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.