Maamulka Gobalka Togdheer Oo Shahado Sharaf ku Maamusay Shirkadda Daabacada Sagal-Jet Burco + Sawirro

0
Sunday August 28, 2016 - 15:03:47 in by Burco Office
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobalka Togdheer Oo Shahado Sharaf ku Maamusay Shirkadda Daabacada Sagal-Jet Burco + Sawirro

    Burco(AFKA)Maamulka Gobalka Togdher Oo Kaashanaya Wasaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Ee Gobalka Togdheer ayaa shahado Sharafeed ku Maamusay Shirkadda Daabacadda Sagel Jet Burco ka dib markii ay shirkaasi Door Muhiim ah ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Maamulka Gobalka Togdher Oo Kaashanaya Wasaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Ee Gobalka Togdheer ayaa shahado Sharafeed ku Maamusay Shirkadda Daabacadda Sagel Jet Burco ka dib markii ay shirkaasi Door Muhiim ah ka

Qaadatay Xafladii lagu maamusayay laguna dhiiri-galinayay ardaydii kaalmaha hore u gashay imtaxanka shahadiga ahaa ee Gobalka Togdheer,





 


 

Xaflada Lagu Dhiiri-Galinayay isla markaasna lagu abaal-marinayay ardaydaasi oo ka qabsoontay xaruunta Madaxtoyada burco ayaa waxa ka soo qayb-galay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye,Maamulka Gobalka Togdheer.ka Degmada Burco,Saladiin,Cuqaal,Maamulka Shirkadda Daabacadda Sagel Jet iyo Marti-Sharaf Kale Duwan.




Shahaado Sharafedani Lagu Maamusay Shirkadda Daabacadda Casriga ah Sagel Jet Burco ayaa ahayd mid Lagu Abaal-Marinayay Kaalin laxaadle oo ay shirkadani sagel Jet kaga qayb-qadatay Munasibadani haday noqoto Dhaqaale,Tageero iyo Waliba Boodhadh Bilaash ah oo ay shirkadani kaga qayb-qadatay dhiiri-galinta ardayda kaalmaha hore ka galay imtaxaanka shahadiga ah,

 

Ugu Danbayntii Shirkadda Daabacadda Sagel Jet Burco ayaa iyadu ah shirkad inta badan door muhiim ka qaadata dhiiri-galinta horumar kasta oo ku soo biira gobalka togdheer,waxaanay shirkadani tahay mid buuxisay adeegyo aan hore looga heli-jirin gobalka togdheer,