Ciidamada Ammaanka Dalka Masar Oo Xidhay 40 Qof Oo Tahriibayaal Soomaali Ah

0
Monday August 29, 2016 - 08:51:07 in by salman abdi
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ammaanka Dalka Masar Oo Xidhay 40 Qof Oo Tahriibayaal Soomaali Ah

    Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka dalkaasi ay xireen Somali tahriibayaal ah, kuwaasi oo tiradooda ay gaarayso 40 ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka dalkaasi ay xireen Somali tahriibayaal ah, kuwaasi oo tiradooda ay gaarayso 40 ruux.


timthumb

Qabashada dadkaan ayaa ka dambeysay, kadib markii ciidamada ammaanka dalkaasi Masar ay qabteen doon ay la socdeen dadkaan Somalida ah, waxaana wehlinaayay dad kale oo u dhashay dalalka Sudan, Syria, Eretria, iyo Ethiopia.

Guud ahaan tirada dadka ay qabteen ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa gaaraya 170 ruux oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo doonaayay inay si sharcidaro ah uga tahriibaan dalka, waxaana xilliga la qabanaayay ay ku sugnaayeen Xeebta Magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Maxamed Cabaas oo ka mid ah Somalida dalka Masar ayaa sheegay 40 ruux ee Somalida ah inay isugu jiraan Gabdho iyo Wiilal, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay qabteen, iyagoo saaran doonta tahriibka.

Waxa uu sheegay in Xabsiyada la dhigay dadkaasi, ayna ku biireen dad kale oo Somali ah oo horay ciidamada ammaanka dalka Masar ay gacanta ugu dhigeen, xilli ay doonayeen inay tahriibaan.

Waxaa sii kordhaya tirada dadka Somalida ah ee lagu xiraayo dalka Masar, xilli muddooyinkii dambe ay barteen Somalida tahriibka looga baxo dalka Masar ee lagu tago dalalka Yurub oo khatar badani ay ka horeyso.