Hazard, Sanchez & Rashford Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Todobaadkan Ee EPL-ka Oo Uu Soo Doorto Khabiirka BBC-da Garth Crooks

0
Monday August 29, 2016 - 11:00:38 in by Burco Office
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hazard, Sanchez & Rashford Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Todobaadkan Ee EPL-ka Oo Uu Soo Doorto Khabiirka BBC-da Garth Crooks

    Todobaadkii sadexaad ayaa la ciyaaray kulamada horyaalka Ingiriiska iyadoo ay kasoo baxeen natiijooyin aysan marna ka murugoon kooxaha ugu waaweyn horyaalka marka laga reebo Liverpool oo iyadoo marti ah barbaro lasoo gashay Tottenham Hotspur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadkii sadexaad ayaa la ciyaaray kulamada horyaalka Ingiriiska iyadoo ay kasoo baxeen natiijooyin aysan marna ka murugoon kooxaha ugu waaweyn horyaalka marka laga reebo Liverpool oo iyadoo marti ah barbaro lasoo gashay Tottenham Hotspur.


Garth Crooks oo ah khabiirka BBC Spors ayaa isbuuc walba sameeya doorasho uu ciyaartoyda kusoo xusho waxqabadka uu xidig walba sameeyo kulanka isbuucaas wuxuuna soo saaraa shaxdiisa, todobaadkaan waxaa hogaaminaya goolhaye Boruc oo ka tirsan Bournemouth kaas oo sameeyay wax aan macquul aheyn.

Alexis-Hazard

Goolhayahaan ayaa badbaadiyay in ka badan shan kubadood oo diilitna dhexdeeda ay ka tuureen xidigaha Crystal Palace ciyaartii barabaraha ku dhamaatay ee dhexmartay Bournemouth iyo Palace.

Sidoo kale wiilka da’da yar ee Manchester United Marcus Rashford ayaa soo galay shaxdiisa madama uu dhaliyay goolka guusha Red Devils waqtigii dhimashada markii uu baas cajiib ah ka helay Wayne Rooney, waxaana weerarka la wadaaga Eden Hazard oo dib usoo dhashay, Sanchez oo ahaa xidigii ugu fiicnaa Gunners kulankii Watford iyo Sterling oo mucjiso ku dhigay West Ham.

Khadka dhexeGarth Crooks wuxuu soo xushay mashiinka Chelsea ahna saxiixa cusub ee kooxdaa N’Golo Kante kaas oo shaqo fiican qabtay kulankii Burnley ee todobaadkaan, waxaana kula mideysan Danny Drinkwater oo markii ugu horeysay xulka qaranka lagu soo daray halka Silva uu qeyb ka yahay.

Dhanka daafaca waxaa kasoo muquday kabtanka Leicester City Wes Morgan kaas oo guushiisii ugu horeysay xagaagan kooxdiisa la gaaray da’yarka hogaamiya Hull CityCurtis Davies kaas oo wacdaro dhigaya xagaagan bilowga ah iyoScott Dann oo barbaro u keenay Palace ciyaartii Bournemouth.

Shaxda Kooxda Todobaadka Garth Crooks:

Boruc, Davies, Dann, Morgan, Silva, Drinkwater, Kante, Sanchez, Hazard, Sterling, Rashford

Garth Crooks