Angela Merkel oo dhalliishay siyaasadaha ku aaddan qaxootiga ee Midowga Yurub

0
Monday August 29, 2016 - 11:02:58 in by Burco Office
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Angela Merkel oo dhalliishay siyaasadaha ku aaddan qaxootiga ee Midowga Yurub

    Angela Merkela oo ah haweneyda hoggaamisa dawlada dalka Jermalka ayaa dhalliil usoo jeedisay dalalka midowga Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Angela Merkela oo ah haweneyda hoggaamisa dawlada dalka Jermalka ayaa dhalliil usoo jeedisay dalalka midowga Yurub.


Angela Merkel ayaa dhalliishay siyaasadahooda ku wajahan qaxootiga gaar ahaan haatan oo weli loo maaro la'yahay qulqulka qaxootigaa. Waxay ku dhalliishay inaysan doonayn inay si wanaagsan usoo dhaweeyaan qaxootiga maadaama badankood qaxootigu yihiin Muslimiin.

Warkaan ayaa yimid ayadoo uu asbuucii tagay soo baxay war sheegaya in ilaa 300 oo kun oo qaxooti ah oo dheeraad ah la filaayo inay dhawaan gaaraan Jermalka.

Dawlada Jermalka ayaa fileysa in ilaa 300,000 oo kale oo qaxooti ah ay soo gaaraan Jermalka inta ka dhimman sanadka.


Sidaa waxaa warbaahinta caalamiga ah ay kasoo xigatay Xafiiska Socdaalka iyo Qaxootiga ee dalkaa.

Xafiiskaa ayaa sikastaba ha ahaatee wuxuu u caal waayay qaxootigii hore ee galay dalkaa.

In badan oo qaxootigaa ah ayaa durba codsaday magangalyo. Sanadkii lasoo dhaafay oo qura waxaa Jermalka galay ilaa 1 malyan oo qaxooti ah oo ka kala yimid Afghanistan, dalalka bariga dhexe iyo qaarada Afrika.


Angela Merkel ayaa u roon qaxootiga balse waxaa muuqata in badi shacabka dalkaa ay siyaasadeeda ku aaddan qaxootiga u arkaan in ay tahay mid xun.


Tirada kooxaha kasoo horjeeda muhaajiriinta iyo taageerada loo hayo ayaa batay.

Meelo badan oo ka tirsan Yurub ayaa qaxootiga haatan laga weecinayaa oo in badan ayaa meelo geeri go'an ah ku go'doonsan kadib markii laga xirtay xaduudaha.