Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Cisbitaalka Ku Booqday Muj. Ooto Biixi Oo Xanuun U Jiifa.

0
Monday August 29, 2016 - 14:55:43 in by Burco Office
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Cisbitaalka Ku Booqday Muj. Ooto Biixi Oo Xanuun U Jiifa.

    Hargeysa(AFKA)Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay Cusbitaalka Edna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay Cusbitaalka Edna

 ku booqday Siyaasiga Maxamed Biixi Caalin (Ootto), oo toddobaadkii u dambeeyay u jiifay Xaalad Caafimaad.


Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro waxa uu IIIaahay uga baryay innuu Caafimaad sarreecana siiyo Mujaahidka Ootto Biixi oo ka mida Odayaasha Somaliland, waxaannu sheegay inay Xisbi ahaan wixii taageero buuxda la garab is taagi doonnaan.

Waxa kale, oo uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), in Xisbigiisu uu gacan wayn ka gaysan doonno sidii Maxamed Biixi Caalin loogu qaadi lahaa magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, si halkaas loogu soo daaweeyo Xaaladdiisa Caafimaad oo sida Dhakhaatiirku sheegeen u baahan Cusbitaallada waa wayn ee dalalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo Djibouti oo kale.

Sidoo kale, Siyaasiyiin kala duwan iyo Asxaab tiro badan ayaa maanta ku booqday Cusbitaalka Adna Siyaasiga Maxamed Biixi Caalin oo xaalad Caafimaad u yaalla Cusbitaalkaas.