Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Xadhiga Muwaadin Siciid Maxamuud Gahayr

0
Monday August 29, 2016 - 14:59:16 in by Burco Office
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Xadhiga Muwaadin Siciid Maxamuud Gahayr

    Hargeysa(AFKA)xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland ayaa ka hadashay xadhiga loo gaystay qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland ayaa ka hadashay xadhiga loo gaystay qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay codsanaysaa in la sii daayo Siciid Maxamuud GahayrWarsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka ayaa lagu sheegay inay xaruntu codsanayso in la sii daayo muwaadinkaasi xidhan, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

Waxa 20kii August 2016 lagu xidhay magaalada Hargeysa Siciid Maxamuud Gahayr oo ah nin qoraa ah. Siciid xadhigiisa waxa lala xidhiidhiyay qoraalo uu qoray oo ay ka mid yihiin kuwo baraha bulshada lagu qoray.

Waxa af-hayeen u hadlay Booliisku sheegay in loo haysta Siciid "falal nabad gelyo darro ah oo wax u dhimaya qaranka Somaliland.” Kuwaas oo ay ka mid yihiin qoraalo uu ku qoray baraha bulshada iyo kulanno uu qabtay, sida uu ku dooday Booliisku.

 

Xadhiga Siciid wuxuu dhacay kadib qoraalo isdaba joog ah oo uu kaga faalooday arimo la xidhiidha Gegida Diyaaradaha ee Cigaal (Hargeysa) iyo dhulka ka ag dhow garoonka.

Sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa soo bandhigo. Sidoo kale dastuurku wuxuu ballan qaaday in dadku ka qayb qaadan karaan kulanno.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa xadhiga loo gaystay qof aragtidiisa dhiibtay. In qof loo qabto arin la xidhiidha qoraalo baraha bulshada lagu qoray waa walaac hor leh, waana arin waxyeelo u gaysan karta xorriyadda aragti dhiiibashada.

Xaruntu waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u celiso Siciid Maxamuud Gahayr.

Axmed Xuseen Cabdi

Isu-duwaha Barnaamijyada Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com