Qaar Ka Mida Shirkadaha Ka Ganacsada Sayladaha Somaliland Oo Sharafta Ka Qaaday Qiimaha Lagu Iibsado Xoolaha Somaliland+Mooraal Jabka Xoolo Dhaqatada

0
Monday August 29, 2016 - 16:15:08 in by salman abdi
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mida Shirkadaha Ka Ganacsada Sayladaha Somaliland Oo Sharafta Ka Qaaday Qiimaha Lagu Iibsado Xoolaha Somaliland+Mooraal Jabka Xoolo Dhaqatada

    Xiliyadan Oo Kale Waxaa Kor U Kaca Kala Iibsiga Xoolaha Nool,Kuwaas Oo Ay Sabab U Tahay Mooshinka Xajka Oo Ay Gudanayaan Dadka Muslimka Ahi,Inta Badana Waxaa Mashquul Noqda Sayladaha Xoolaha Gaar Ahaan Kuwa Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiliyadan Oo Kale Waxaa Kor U Kaca Kala Iibsiga Xoolaha Nool,Kuwaas Oo Ay Sabab U Tahay Mooshinka Xajka Oo Ay Gudanayaan Dadka Muslimka Ahi,Inta Badana Waxaa Mashquul Noqda Sayladaha Xoolaha Gaar Ahaan Kuwa Somaliland,
Waxaana Sayladaha Yimaada Xoolo Aad U Tiro Badan Kuwaas Oo Ka Kala Yimaada Dhulalka Ay Degaan Soomalidu Xog-Buuxda Oo Aanu Ka Helnay Dadka U Dhuun Daloola Sayladaha Wax Lagu Kala Iibsado Ayaa Noo Xaqiijiyay In Gacanta Ugu Weyn Ee Ku Jirta Saylada Ay Yihiin Shirkada Al-Jaabiri Taas Oo Iyadu Iibsanaysa Xoolaha Ugu Badan Sidoo Kale Ay Hormuud Ka Tahay Qiimaha Hoos U Dhacay Ee Xoolaha Waxaana Dadku Sheegeen In Kooto Loogu Xidhay Sayladaha Waaweyn Ee Dalka Shirkada Al Jaabiri Qaar Ka Mida Dadka Reer Baadiyaha Ah Ee Xoolaha U Soo Iib Geeyay Oo Lala Yeeshay Waraysi Ayaa Hadalkoodu U Dhignaa Sidan,,,Xoolihii Waa Lanaga Iibsan Wayay Waanu Dhibaataysanahay Dhibaatadana Waxaa Noogu Wacan Saylada Oo Kooto Loogu Xidhay Shikhsiyaad Aan Dan Naga Lahayn Oo Dhiig Miirtay Dadkayagii Iska Lahaa Xoolaha,Xoolahayagiina Waxay Iskugu Celiyeen 45$ Doller Neefkii Ugu Sareeyay Hadaba Qiimaha Lagu Iibsado Neefka Xoolaha Ah Sanadkan Waxa Uu Muruugo Iyo Mooraal Jab Ku Abuuray Dadka Dhaqda Xoolaha Taas Oo Ay Ugu Wacantahay Ganacsatada Ka Ganacsada Xoolaha Oo Iyagu Madaxa Kaga Istaagay Qiimaha Lagu Iibsado Xoolaha Iyaga Oo Cabashada U Balaadhan Ka Muujiyay Shirkada Al,Jaabiri Oo Ay Sheegeen In Ay Dhiig Miiratay Dadka Xoolo Dhaqatada Ah Sidoo Kale Waxaa Shirkadan Cabasho Balaadhan Ka Muujiyay Gaadiidleyda Xoolaha Ka Keena Goobaha Miyiga Ah,Iyo Kuwa U Qaada Magaalada Berbera Marka Laga Dhoofinaayo Waxaanay Xaqiijiyeen In Qiimihii Ay Ku Qaadi Jireen Neefka Xoolaha Ay Ka Dhigeen Shirkaduhu 5OOO Oo Shilin SLND Ah Halka Uu Markii Hore Ahaa Nooliga Neefka Adhiga Ahi 1$ Doller Waxaanay Gaadiidleydu Cabasho Ka Muujiyeen Jeeblayaasha Iyo Shirkadaha Ka Ganacsada Xoolaha Taas Oo Cadibaad Ku Ah Gaadiidleyda Labada Seyladood Ee Igu Weyn Somaliland Ee Magaalada Burco Iyo Hargeisa Waxaanu U Kuur Galynay Dhaq Dhaqaaqooda Kuwaas Oo Marka Aad Waraysatid Dadka Wata Xoolaha Aad Dareemaysid In Ay Haysato Dhibaato Weyn Xoolahoodii Ay Manaafacaadsanaayeena Laga Dhigay Hal Bacaad Lagu Lisay Waxaanad Ka Soo Anba Baxaysaa Adiga Oo La Luudaya Nasiib Darada Soo Wajahday Dadka Xoolo Dhaqatada Ah Sida Aynu Ognahay Waxa Ay Nolosha Iyo Dhaqaalaha Wadankeenu Ku Tiirsan Yahay Dhaqashada Xoolaha Nool,Kuwaas Oo Ka Yimaada Dhulalka Miyiga Ah,Waxaana La Odhan Karaa Waxay Ka Mid Yihiin Ilaha Iyo Dakhliga Somaliland ,Ee Dabiiciga Ah Ee Ilaahay Ku Manaystay Dadka Soomalida Hadaba Waxaa Is Weydiin Mudan ,Maxaa Xukuumada Somaliland Uga Qorshaysan Ganacsatada,Iyo Shirkadaha Dhulka Geliyay Qiimaha Neefka Xoolaha Ee Ay Ku Xidhantahay Nolosjha Bulshada Somaliland, Shirkadahan Ayaa Iyagu Marmarsiinyo Uga Dhigay Hoos U Dhaca Xoolaha Dagaalada Ka Hol-Caaya Wadamada Carabta Gaar Ahaan Kuwa Ku Teedsan Marin Biyoodka Bada Cas Sida DALKA YEMEN