Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Somaliland ka Tacsiyadeeyey Geerida Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.

0
Tuesday August 30, 2016 - 07:56:34 in by Burco Office
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Somaliland ka Tacsiyadeeyey Geerida Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa,

Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle haw naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo ku geeriyooday 29,08, 2016 Magaalada Hargeysa, Marxuumka oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa markii uu shaqada ka baxay maanta oo Isniin ah waxa wadnaha kaga soo booday xanuun degdega kaasoo sabab u noqday geerida marxuumka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada Somaliland ku dhaqan,  mudadii uu xilka qaranka hayeyna ku suntanaa karti, dedaal iyo daacadnimo, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii talada dalka u kala  dambeeyey, waxanu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

            

Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.