Inkabadan Kalabadh Xildhibanada Golaha Wakiilada oo la Baafinayo Kadib Kalfadhiyo Tiro badan oo ay ka maqnaadeen

0
Tuesday August 30, 2016 - 08:17:42 in by Burco Office
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inkabadan Kalabadh Xildhibanada Golaha Wakiilada oo la Baafinayo Kadib Kalfadhiyo Tiro badan oo ay ka maqnaadeen

    Warqad Qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Xoghaya Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa waxa lagu baafinayaa 45-Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warqad Qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Xoghaya Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa waxa lagu baafinayaa 45-Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland

 kuwaasi oo lagu sheegay inaanay dhawr kalfadhi ka soo xaadirin islamarkaana  aanay ka soo agwareegin Xayndaabka Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland.

Magacyada Xildhibaanaddan la baafinayo ayaa waxa golaha ugu dambaysay fadhigii lagu meel mariyay Heshiiskii Xukuumaddu la gashay Shirkada Imaaraatiga ah ee DP-WORLD,Waxaanay qaarkood ka mid ahaayeen mudanayaashii sida weyn dabada uga riixayay Heshiiskaasi.

 

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ayaa caado ka dhigtay inaanay ka soo xaadirin fadhiyada bilaa caanaha ah(Dhaqaalaha) waxaanay arintaasi sababtay in mar qudha Xoghaya Golahaasi baafiyo in kabadan kala badh Tirada Xildhibaanada Golaha Wakiiladda oo lagu sheegay inaanay ka soo xaadirin Fadhiyidii u dambeeyay ee uu Golahaasi yeelanayay intii ka dambaysay Fadhiyadii Heshiiskaasi lagu ansixiyay.

Xildhibaanadda La Baafinayo ayaa u badan Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Xukuumadda iyo Xisbi Xaakimka u ololeeya.

war