"Dib Udhac Ku Yimaada Doorashooyinku Waxa Ay Dhaawacaysaa Sumcada Somaliland"... Danjire Harriet Mathews

0
Tuesday August 30, 2016 - 11:32:13 in by Burco Office
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dib Udhac Ku Yimaada Doorashooyinku Waxa Ay Dhaawacaysaa Sumcada Somaliland"... Danjire Harriet Mathews

    Hargeysa(AFKA)-Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya danjire Harriet Mathews, ayaa shir jaraa'id oo ay Hargeysa shalay saxaafadda ugu qabatay waxay ku sheegtay in Ingiriisku taageerayo nidaamka dimuqraadiyadee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)-Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya danjire Harriet Mathews, ayaa shir jaraa'id oo ay Hargeysa shalay saxaafadda ugu qabatay waxay ku sheegtay in Ingiriisku taageerayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, balse dib u dhac ku yimaada doorashooyinku dhaawacayso sumcada Somaliland ee dimuqraadiyadda.

 

Danjire Harriet, waxay sheegtay in shalay oo ay Hargeysa timid ay kulamo la yeelatay xubno wasiiro ah, guddoomiyaha maxkamadda sare oo ay kala hadashay arrimo ay ka mid yihiin xeerka saxaafadda iyo xorriyadda saxaafaddaba, iyadoo sheegtay inay maanta kulan la yeelan doonto Madaxweyne Siilaanyo.

 

Danjire Harriet oo ka jawaabaysa su’aal laga weydiiyay in masuuliyiinta ay la kulantay kala hadashay xorriyadda saxaafadda, waxay sheegtay inay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha maxkamadda sareba kala hadashay xeerka saxaafadda iyo weliba damaanad qaadka xorriyadda saxafadda.

 

 

Mar wax laga weydiiyay suurtogalnimada dib u dhac ku yimaada doorashada baarlamaanka oo ay tahay in mar la wada qabto doorashada madaxtooyada bisha March ee sannadka dambe iyo mawqifka Ingiriiska, waxay sheegtay in dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinku uu wiiqayo sumcadda Somaliland ee caalamka, "Ingiriisku mawqif cad ayuu ka leeyahay arrimaha doorashooyinka. Dib u dhac ku yimaada doorashooyinku wuxuu dhaawacayaa kalsoonida iyo sumcadda Somaliland. Jaaliyadda dibadda oo aan London kula kulmay laftoodu waxay ii sheegeen inaanay doonayn inay doorashadu dib u dhacdo.” ayay tidhi safiiradu.

 

Waxay danjiruhu soo jeedisay in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka sidii lagu heshiiyay, "Mawqifkayagu aad buu u cadyahay. Balan ayaa la galay ahayd in doorashooyinka mar la wada qaban doono, waxaanan ugu baaqayaa dawladda Somaliland in laga dhabeeyo go’aankaas oo laga shaqeeyo.” ayay tidhi.

 

Waxay sheegtay inay aragtay walaacyo laga qabo in doorashada baarlamaanku dib ugu dhacdo saami qaybsiga dartii, waxase ay sheegtay inuu yahay mawduuc laga shaqayn karo haddii la dedaalo, waxaanay soo jeedisay in doorashada oo dib loo dhigo aan loo arag xalka saami qaybsiga.