Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Xaqiijiyay In Wasiiro, Xildhibaano Iyo Saraakiil Ciidan Ku Dhaawacmeen Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

0
Tuesday August 30, 2016 - 16:00:38 in by Burco Office
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Xaqiijiyay In Wasiiro, Xildhibaano Iyo Saraakiil Ciidan Ku Dhaawacmeen Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii ismiidaaminta, ee barqanimadii maanta lagu qaaday SYL Hotel ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii ismiidaaminta, ee barqanimadii maanta lagu qaaday SYL Hotel ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa marka hore si kulul u cambaareeyay weerarkaasi oo sida uu sheegay lagu dhibaateeyay masuuliyiin Dowladda Somaliya ka tirsan iyo dad rayid intaba.

Wasiirka, ayaa waxaa uu iftiimiyay in dad ay ku jiraan Wasiiro, Xildhibaano, La taliye-yaal, Saraakiil ciidan iyo Suxufiyiinba ay ku waxyeeloobeen weerarkaasi, oo Shabaabku ay u adeegsadeen gaari nooca xamuulka oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wasiirka, ayaa intaa ku daray in dad fara-badani ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, oo uu ku sheegay fal fuleynimo ah, isla-markaana uu muujinaayo sida cadowgu uu nolosha ugu diidan yahay dadka Somaliyeed.

Inkastoo Wasiir Maareeye aanu sharaxaad ka bixin Wasiirada ku dhaawacantay weerarkaasi, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar sheegaya in Wasiirada ku dhaawacmay uu ku jiro Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga.

Xilligii uu weerarku dhacaayay, ayaa waxaa Hotel SYL ka socday barnaamij uu soo qaban qaabiyay Telefishinka Qaranka, waxaa kaloo ka socday shir looga hadlaayay arrimaha ammaanka.

Ugu yaraan 10 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay weerarkaasi, iyadoo 22 kalana ay ku dhaawacantay. Waxaa macquul ah in khasaaraha uu ka badan karo tirada iminka laga warqabo.

Weerarkan, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, saacado ka dib markii Dowladda Somaliya ay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Saraakiil sare, oo ka soo goystay Ururka Al Shabaab.

Weerarka ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la dhihi karaa waa mid ka mid ah qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhacay Caasimadda. Qaraxan waxaa uu burbur uu gaarsiiyay Hotelka SYL iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhowba.