Magacyada Xubno Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Dhawacyo Kala Duwani Ka Soo Gaadheen Qaraxii Muqdisho, Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay

0
Wednesday August 31, 2016 - 07:58:33 in by Burco Office
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Xubno Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Dhawacyo Kala Duwani Ka Soo Gaadheen Qaraxii Muqdisho, Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay

    Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, oo ku sugnaa Muqdisho xilal kala duwana ka hayay Dawladda Dalkaasi Soomaaliya, ayay dhaawacyo ka soo gaadheen Qaraxii cuslaa ee maanta ka dhacay Huteel ka soo horjeeda Madaxtooyada Muqdishi. Warar laga h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, oo ku sugnaa Muqdisho xilal kala duwana ka hayay Dawladda Dalkaasi Soomaaliya, ayay dhaawacyo ka soo gaadheen Qaraxii cuslaa ee maanta ka dhacay Huteel ka soo horjeeda Madaxtooyada Muqdishi. Warar laga helaayo dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa sheegaya in illaa 26 ruux ay ku dhinteen qaraxii weynaa ee maanta gil gilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Huteelka SYL oo ku dhaw Madaxtooyada.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaadhi kuwa xamuulka ah ayaa xoog ku soo jiiray bar koontaroolo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, waxaana ciidamada ay sidii u rasaaseynayeen uu gaadhigii ku qarxay darbiga Huteelka SYL.

Tirada dadka ku dhaawacantay ayaa caga-cageyneysa todobaatameeyo ruux oo isugu jira dad rayid iyo askar ka mid aheyd ilaalada Huteelka iyo kuwa Madaxtooyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 15 ka mid ah dadka ku dhintay ay ahaayeen ilaalada mas’uuliyiinta ku jiray Huteelka xilliga qaraxu dhacaayay, ilaalada Huteelka iyo ilaalada ilinka hore ee Madaxtooyada.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay labo ruux oo ka mid ahaa dhaawacyadii la keenay Isbitaalka ay geeriyoodeen, halka labaatan kale oo dhaawacyo ah la jiifiyay Isbitaalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa dhaawacmay, sidoo kale waxaa dhaawacmay Wariyeyaal ka tirsan Radio Muqdisho iyo Telefeeshinka afka dawladda dalkaasi Soomaaliya ku hadla ee SNTV.

Wasiirada dhaawacyada fudud soo gaadheen waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Nuur Faarax, Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Xildhibaanada dhaawacyada soo gaadhay waxaa ka mid ah Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabdalla Boos, Xildhibaan Caasho Koos, Xildhibaan Sugaal, Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir.

Halkan hoose ka akhriso Magacyada Wariyeyaasha dhaawacmay

Agaasimaha Idaacadda Gobolka C/fataax Arizona
Agaasimaha SNTV C/naasir Xuseen
Wariye Maxamed Abuukar Mada = (Warbaahinta Dowladda)
Wariye Cabdi Aadan = (Warbaahinta Dawladda)
Wariye C/fataax jeyte = (Warbaahinta Dawladda)
Wariye Mamaxed Xasan National = (Warbaahinta Dawladda)
Wariye Maxamuud Cali Xaaji (Saxafi yare) = (Goobjoog)