Sky Sports Oo Soo Saaray Qiimaynta Todobaad-laha Ah Ee Power Raking, Eden Hazard Oo Hogaaminaya Iyo Xidigaha Kale Ee Qiimayntan Ku Soo Baxay

0
Wednesday August 31, 2016 - 08:23:18 in by Burco Office
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sky Sports Oo Soo Saaray Qiimaynta Todobaad-laha Ah Ee Power Raking, Eden Hazard Oo Hogaaminaya Iyo Xidigaha Kale Ee Qiimayntan Ku Soo Baxay

    Sky Sports ayaa sidii aanu hore idiinku soo gudbinay todobaadyadii hore bilaabaybarnaamij cusub oo ay talaado kasta soo bandhigi doonaan kaas oo lagu qiimaynayo badhiga ciyaartoyda Premier Leaque-ga ee todobaad kasta waxaana barnaamijkan loogu magacd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sky Sports ayaa sidii aanu hore idiinku soo gudbinay todobaadyadii hore bilaabaybarnaamij cusub oo ay talaado kasta soo bandhigi doonaan kaas oo lagu qiimaynayo badhiga ciyaartoyda Premier Leaque-ga ee todobaad kasta waxaana barnaamijkan loogu magacdaray 'Power Ranking'.


Qiimayntan ayaa ka kooban laba qaybood, waxaana qaybta hore lagu soo saaraa ciyaartoyda ugu badhiga fiicnaa kulamada Premier Leaque-ga ee la soo ciyaaray halka qaybta labaad lagu soo saaro qiimaynta koox kasta ciyaartoyga ugu qiimaynta fiicnaa kulamada Premier Leaque-ga ee la soo ciyaaray.

Haddaba shabakadda Laacib.net ayaa diyaar u ah in ay akhristayaasheeda u soo tabiso qiimayntan maalin kasta oo talaado ah isla marka ay Sky Sports soo saarto qiimaynteeda Power Ranking. Qiimayntan ayaana lagula socon karaa qaab ciyaareedka ciyaartoyda ee xili ciyaareedka oo dhan.

Isbuucii ugu horeeyay horyaalka Ingiriiska kulamadoodii waxaa qiimayntan hogaaminayay Philippe Coutinho kaas oo door wayn ku lahaa guushii ay Liverpool ka soo gaadhay Arsenal halka todobaadkii labaad uu qiimayntan hogaaminayayZlatan Ibrahimovic oo Man United guul 2:0 ahayd ugu horseeday kulankii Southampton. balse markan Eden Hazard oo dib ula soo baxay qaab ciyaareedkiisii indho sarcaadka ahaa ayaa hogaaminaya qiimaynta Sky Sports ee Power Raking.


Waxaa qiimayntan kaalinta labaad ka soo galay Raheem Sterling oo kulankii West Ham United laba gool ka dhaliyay isla markaana muujiyay sida uu horumarka ugu hoos sameeyay maamulka Guardiola. Laakiin Ibrahimovic oo qiimayntii hore kaalinta kowaad kaga jiray ayaa udhacay kaalinta afraad halka Courtinho oo qiimayntii kulamadii furitaanka hogaaminayay uu sii marayo kaalinta 48 aad.

Manchester United's Zlatan Ibrahimovic dropped three places to No 4 in this week's Power Rankings

QIIMAYNTA SKY SPORTS EE POWER RAKING IYO XIDIGAHA UGU SAREEYA EE KULAMADII 3 AAD:

QIIMAYNTA SKY SPORTS EE POWER RAKING IYO XIDIGAHA KOOXAHOODA UGU QIIMAYNTA SAREEYA EE KULAMADII 3 AAD: