RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Ingiriiska Ee FA-ga Oo Dacwad Ku Soo Oogay Sergio Aguero Iyo Aguero Oo Udhaw In Uu Seego Kulankan Manchester Derby

0
Wednesday August 31, 2016 - 08:30:30 in by Burco Office
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Ingiriiska Ee FA-ga Oo Dacwad Ku Soo Oogay Sergio Aguero Iyo Aguero Oo Udhaw In Uu Seego Kulankan Manchester Derby

    Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa hadda dacwad ku soo oogay gool dhaliyaha kooxda Manchester City ee Sergio Aguero kadib markii uu xusul ama jiqilkiisa ku dhuftay difaaca kooxda West Ham United eeWinston Reid. Aguero ayaa haddaba hali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa hadda dacwad ku soo oogay gool dhaliyaha kooxda Manchester City ee Sergio Aguero kadib markii uu xusul ama jiqilkiisa ku dhuftay difaaca kooxda West Ham United eeWinston Reid. Aguero ayaa haddaba halis wayn ugu jira in uu seego kulanka Manchester Derby.


 

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa Sergio Aguero ku eedeeyay in uu ku kacay fal dhaqan xumo ah intii ay socotay ciyaartii Etihad Stadium ku dhex martay kooxaha Manchester City iyo West Ham United. Laakiin Aguero ayaa dacwadan ka jawaabikara ilaa galabnimada barri oo arbaca ah.The Manchester City forward was involved in an incident with West Ham United’s Winston Reid in the 76th minute Read more at http://www.thefa.com/news/governance/2016/aug/sergio-aguero-charged-manchester-city-west-ham-united#CzF23FUWktHeyY2S.99

Qoraal ka soo baxay FA -ga ayaa lagu yidhi:” Sergio Aguero waxaa lagu soo eedeeyay fal dhaqan xumo ah oo ayna arin saraakiisha kulanku balse waxaa qabtay muuqaalka. Gool dhaliyaha Manchester City waxa uu ku lug lahaa dhacdada daqiiqadii 76 aad ee kulankii axadii ee28 August 2016 taas oo dhex martayWinston Reid oo West Ham United ka tirsan”.Aguero

Qoraalka ayaa la sii raaciyay waqtiga uu haysto Aguero in uu jawaab ka bixiyo eedaynta loo soo jeediyay iyo guddida qiimayn doonta arintan waxaana qoraalka lagu yidhi:” Sergio waxa uu haystaa ilaa 6:00pm ee Arbacada, August 31 si uu uga soo jawaabo. Dhacdooyinka ayna kubbadu dhex oolin ee ayna garsoorayaashu arkayn waxaa loo xilsaaraan saddex garsoore hore iyada oo mid kastaaba uu soo daraasayn doono muuqaalka haddii uu kaadhka cas u qalmay iyo haddii kale”.