Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Iyo Maareeyaha Cusub Ee Dekeda Berbera Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

0
Wednesday August 31, 2016 - 09:48:11 in by Burco Office
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Iyo Maareeyaha Cusub Ee Dekeda Berbera Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

    Saddex xubnood oo kamid ah golaha wasiiradda Somaliland iyo maareeyaha cusub ee dekeda magaalada berbera ayaa wararku sheegayaan in safar ugu baxeen dalka imaaraadka carabta gaar ahaana magaalada Dubai.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex xubnood oo kamid ah golaha wasiiradda Somaliland iyo maareeyaha cusub ee dekeda magaalada berbera ayaa wararku sheegayaan in safar ugu baxeen dalka imaaraadka carabta gaar ahaana magaalada Dubai.
Wasiiraddan saddexda ah ee u baxay magaalada Dubai ayaa waxa naloo sheegay inay kala yihiin wasiirka madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiiradda maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka qorshaynta qaranka Cali Salaan Jirde iyo waliba maareeyaha cusub ee dhawaan losoo magacaabay dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir.
Ujeedada ay masuuliyiintani ugu baxeen dalka imaaraadka ah ayaa ah sidii ay qalinka ugu soo duugi lahayeen heshiiska dekeda berbera oo ay dhawaan golaha wakiiladu cod gacan taaga ku ansixiyeen,saxeexan ayaa noqon doona sida naloo sheegay kii ugu danbeeyey ee ay kala saxeexdaan dawlada Somaliland iyo shirkada DP World.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna wakhti xaadirkan ku sugan dalka masar ayaa waftigan wasiirada ah kaga daba tagi doona magaalada dubai isagoona xubin ka ahaa gudidii madaxwaynuhu u xil saaray heshiiska Ddkeda Berbera.
Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in sidoo kale waftigan uu isna ka daba tagi doono madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil "Sayliciā€¯ kaasi oo isna qayb ka noqonay heshiiska kama danbaysta ah ee ay kala saxeexayaan xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Dp World.
wixii warar ah ee safarka wasiirada ka soo kordha kula soco wararka danbe