XUKUUMADA IYO MUSHARAXA XISBIGA KULMIYE OO LA FILAYO IN UU MARKALE SOO NOQDO KHILAAFKODII) WQ-Madaxweynaha Mustaqbalka Max'ed Osman.

0
Thursday September 01, 2016 - 15:29:24 in by salman abdi
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUKUUMADA IYO MUSHARAXA XISBIGA KULMIYE OO LA FILAYO IN UU MARKALE SOO NOQDO KHILAAFKODII) WQ-Madaxweynaha Mustaqbalka Max'ed Osman.

    Wararka soo gaadhayaa madaxwaynaha mustaqbalka waxay shegayaan in waqtiyada soo socda uu shaaca ka qaadmi doono khilaaf hor leh oo u dhaxeeya xukuumada iyo musharaxa xisbiga kulmiye. Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka soo gaadhayaa madaxwaynaha mustaqbalka waxay shegayaan in waqtiyada soo socda uu shaaca ka qaadmi doono khilaaf hor leh oo u dhaxeeya xukuumada iyo musharaxa xisbiga kulmiye. Muuse Biixi

Sida bulshada inteeda badan ay hadal hayso waxaa jira khilaaf hoose oo ka dhex jira musharaxa xisbiga kulmiye iyo xukuumada kasoo ku salaysan muddo kordhinta doorashooyinka golaha wakiilada iyo madaxtooyada, waxaynu ogsoonahay in xukuumada ay waddo mashaaricya badan kuwaaso ay qorshaynayso inay xadhiga ka jarto inta ay talada dalka gacanta ku hayso. Waxayna ka haysataa kalsooni buuxda labada gole in loo samaynayo muddo kordhin madaxtooyo. halka musharaxa xisbiga kulmiye uu isagana ku doodayo in hadii muddo kordhinta doorashooyinka ay dhacaan xisbiga sumcadiisa iyo tagerayaashisa ay wiiqmayso rajada musharaxnimada iyo tan xisbigana ay ku dhacayso god madow.

 

Wararka xasaasiga ah waxay shegayaan inay ka go’antahay musharaxa xisbiga kulmiye in doorashada madaxtooyada uusan ogalayn in saacad lagu daro halka xukuumada ay egayso qaabkii musharaxa xisbiga kulmiye marlabaad dagaal loola gali lahaa. Waxaynu kaloo ogsoonahay in komishinka doorashooyinka uu ilaa hada wax hadal ah kasoo saarin muddo kordhintaa, wararka sheegaya muddo kordhin danbe. Waxaynu kaloo la soconay in madaxwaynaha qaranka la horgeeyay saami qaybsi la doonayo in dadka kasoo jeda gobolada sool.

Sanaag ber. Iyo awdal loo sameeyo kadibna madaxwaynaha uu sedexda xisbi qaran isugu yeedhay kana codsaday inay kasoo tala bixiyaan saami qaybsiga, iyagiina ay kusoo celiyeen qoraal ay kalsooni ku siinayaan madaxwaynaha si uu go’aan uga gaadho madaxwayna hawshaa jirta. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxan ka digayaa khilaaf hor leh oo ka dhex qarxa xukuumada iyo musharaxa xisbiga kulmiye. Musharaxa xisbiga kulmiye waxaan ka madaxwayne mustaqbal ahaan usoo jeedinayaa inuu ka digtoonaado waxa abuuri kara khilaaf ka dhex qarxa xukuumada iyo musharaxnimadiisa.