Daawo Video: Ubax Mucjiso ah oo Marka La Edaamayo Kala Baxaya

0
Monday February 17, 2014 - 18:52:39 in by Super Admin
  • Visits: 2492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Ubax Mucjiso ah oo Marka La Edaamayo Kala Baxaya

    Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa barnaamij ka sameeyey mucjiso aan horey loo maqal oo qayb ka ah awooda ALLE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa barnaamij ka sameeyey mucjiso aan horey loo maqal oo qayb ka ah awooda ALLE


Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa barnaamij ka sameeyey mucjiso aan horey loo maqal oo qayb ka ah awooda ALLE taasi oo ah Ubax ama Fiyoore marka uu maqlo Aadanka Salaada kala baxaya ama afka kala qaadaya, arintaasi oo yaab iyo fajac ku abuurtey dad badan oo dunida ku dhaqan.

 

Geedahan Ubaxa ah oo ku yaal wadanka Azerbaijan waxaa loogu magac darey (Azan Flower) ama Ubixii Adinka, waxaana barnaamjika uu sameeyey Tv-ga CNN lagu wareystey nin ubaxyada gur kaasi oo sheegay in dad badan ay la ayaabeen sida Ubaxan uu afka u kala qaadayo ama u kala baxayo mar kasta oo lagu dhawaaqo Aadanka shanta Salaadood, wuxuuna ninkan sheegay in dad badan ay u soo daawasho tagaan arintan kuwaasi oo ka kala yimaada dunida daafaheeda.

Tani waxay marqaati u tahay kelmada EEBE ee ah in Xayawaanka & Geeduhu ay maqlaan Digrigiisa ayna u sujoodaan, waxaana la sheegay in dad badan oo aan Islaam aheyn ay ku keentey arinta Ubaxan inay si fiican ugu dhug yeeshaan diinta Islaamka halka kuwa kale ay qaateen Diinta Islaamka ayna qireen Awoodaha iyo Mucjisooyinka RABI Subxaanuhu Watacaalaa.

Waxaa xusid mudan daqiiqada 47 marka la gaaro inaad si wanaagsan ugu arki karto Video-ga sida ubaxu u kala baxayo ama afka u kala qaadayo MAASHAA ALAAH.