Dagaalkii Afka Ahaa Ee Balotelli Iyo Carragher Oo Sii Xoogeystay Iyo Halyeyga Reds Oo Mar Kale Gantaal Ku Riday Super Mario
Xidigii hore kooxaha Inter Milan, Manchester City Iyo Milan ayaa sanadkii 2014 aduun dhan 16 Malyan ugu soo biiray kooxda Reds, balse wuxuu noqday mid la qabsan waayay kooxda taasoo keentay in amaah sanad ah lagu siiyo Milan xagaagii lasoo dhaafay, halyeyga kooxda Reds Jamie Carragher haatanna ah falanqeeye ka tirsan Sky Sports ayaa u adkeesan qarin waayay dareenkiisa ku aadan waxa uu yahay Balotelli.
Carra ayaa kusoo daray liiska sadexda xidig ee Liverpool u ahaa saxiixii ugu xumaa xidigaan waxaana ku wehliya sida uu qabo JamieAlberto Aquilani iyo El-Hadji Diouf.
Maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayuu Jamie Carragher kusoo qoray bartiisa twitter-ka hadal gubay Balotelli.
"Balotelli oo bilaash lagu helay weli waa iyadoo Nice ay bixisay in ka badan intii saadaashu ay aheyd.”
Balse Balotelli oo ka mid ah liiska ciyaartoyda xariifka ku ah isticmaalka Barta twitter-ka ayaa jawaab kulul siiyay Jamie Carragher markii uu soo qoray
"Jamie Carragher, ciyaaryahan xun, nacab cajiib ah, yaa kala jecel.” ayuu yiri Balotelli iyadoo koobka naceybka uu xitaa ka dhex muuqdo sawirka Balotelli.
Si kastaba ciyaarta oo 1-1 ah ayuu Jamie Carragher bilaabay dharbaaxo kale markii uu gantaal culus ku diray Mario Balotelli isagoo bartiisa twitter-ka xalay kusoo qoray sheeko maad ah.
"Waxaan u rajeynayaa wanaag iyo Inuu Abaalmarinta Ballon d’Or ku hanto kooxda Nice”
Waxa la sugaaba waa jawaabta uu Mario Balotelli ka bixiyo hadalka Falanqeeyaha sare ee Sky Sports ahna mid ka mid ah halyeeyada Liverpool.
Dagaalkii Afka Ahaa Ee Balotelli Iyo Carragher Oo Sii Xoogeystay Iyo Halyeyga Reds Oo Mar Kale Gantaal Ku Riday Super Mario
Weeraryahanka reer talyaani Mario Balotelli ayaa faarujiyay kooxda Liverpool isbuucii lasoo dhaafay markii uu ku biiray kooxda Nice ee dalka Fransiiska.