France Oo Dhaafi Weysay Belarus, Holland Oo Dhibic Ka Heshay Sweden, Swiss Oo Dubatay Portugal & Natiijooyinkii Kale Ee Isreeb-reebka Koobka Aduunka Wadamada Yurub
Didier Dechamps ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna daafacyada garbaha usoo xushayDjibrilSidibe IyoLavyinKurzawa, maqnaashaha Hugo Lloris-na waxey fursad u noqotaySteveMandanda.
Belarus oo marti loo ahaa ayaa ku adkeysatay inaan shabaqooda la taaban, midkoodna kuma guuleysan dhamaan xidigaha France inuu shabaqa gaaro inkastoo dadaalkooda uu ahaa mid aad u heer sareeya, gool la’aan ayuuna kusoo idlaaday kulanka,.
Dhanka kale isla groupka A oo ka mid ah kuwa ugu adag isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada yurub waxaa isku fara saraay wadamada Sweden iyo Netherland kuwaas oo ku kala baxay barbaro 1-1 ah.
Wiilasha Sweden ayaa tijaabiyay awoodda noloshoodala’aanta Zlatan Ibrahimovic iyagaana hogaanka u qabtay ciyaarta daqiiqadii 43-aad markiiMarcusBerg uu dhaliyay gool uu qalad ku lahaaKevin Strootman.
Qeybtii hore ayey labada xul ku kala mareen 1-0, oo ay ku hogaamineyso Sweden, balse markii la isku soo laabtay Holland ayaa heshay barbaro waxeyna goolkaas uga mahad celinayaanWesley Sneijder, waxeyna ka dhigan tahay inuu goolkaas caawiyayDaryl Janmaat.
Dhanka kale xulka heysta horyaalnimada yurub ee Portugal ayaa marti u noqday Switzerland iyadoo uu ka maqan yahay Cristiano Ronaldo, ciqaab adag ayeyna la kulmeen markii lagu dubtay 2-0, inkastoo wiilasha Swiss-ka uu waqtigii dhimashada casaan ka qaatay saxiixa cusub ee Arsenal Granit Xhaka.
BreelEmbolo IyoAdmirMehmedi laba gool oo ay qeybtii hore dhaliyeen ayaana lagu suldaaray xulka Portugal oo aqbalay guuldaradii ugu horeysay isreeb-reebka koobka Aduunka 2018 ee wadamada yurub.
Romelu Lukaku ayaa dhaliyay laba gool kulan ay Belgium-ka gaareen guushii ugu horeysay tartan rasmi ah iyadoo uu tababare u yahay Roberto Martinez, waxeyna markaan 3-0 ku dubteen xulka yar eeCyprus.
Labada gool ee Lukaku ayaa yimid qeybta hore ciyaarta, waxaase goolka sadexaad waqtiyadii ugu dambeeyay shabaqa gaarsiiyay xiddiga Atletico MadridYannickFerreira-Carrasco.
Ugu dambeyntiina Greece ayaa guul weyn ka helay Gibraltar, Bosnia-Herzegovina oo xasuuqdayEstonia, halka xulka yar Latvia uu guul ka helayAndorra.
France Oo Dhaafi Weysay Belarus, Holland Oo Dhibic Ka Heshay Sweden, Swiss Oo Dubatay Portugal & Natiijooyinkii Kale Ee Isreeb-reebka Koobka Aduunka Wadamada Yurub
Labadii wadan ee isugu yimid finalka koobka Euro 2016 ayaan midkoodna guul gaarin xalay kulamada isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada yurub oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay ciyaaraan, France ayaa dhaafi weysay Belarus halka Portugal ay guuldaro foolxu