Ardayda Maxadka Jamal Cabdinasir oo Mudaharad ka hor dhigay Wasarada Waxbarashada +Gudonka Waxbarshda oo Hanjabad kaga jawaabay iyo, Masaaridi oo ka Baxday Gobolka +SAWIRO

0
Wednesday September 07, 2016 - 10:51:59 in by salman abdi
  • Visits: 1715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Maxadka Jamal Cabdinasir oo Mudaharad ka hor dhigay Wasarada Waxbarashada +Gudonka Waxbarshda oo Hanjabad kaga jawaabay iyo, Masaaridi oo ka Baxday Gobolka +SAWIRO

    Burco(Afka)Ardayda Maxadka Jamaal Cabdinaasir aya saka Bannaanbax Cabasho ah ka hor sameeyey Xarunta Wasaaaradda Waxbarashada ee Gobolka Togdheer, Ardaydan aya cod dheer ku sheegay inaan waxba loodhigin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(Afka)Ardayda Maxadka Jamaal Cabdinaasir aya saka Bannaanbax Cabasho ah ka hor sameeyey Xarunta Wasaaaradda Waxbarashada ee Gobolka Togdheer, Ardaydan aya cod dheer ku sheegay inaan waxba loodhigin

tan iyo intii laga soo noqday Fasax Sannadeedkii 2016 iyagoo waxbrasho la;aantaasna ku eedeeyey guddomiyaha wxbarashada Gobolka Togdheer oo Lugta Jiidaya Maxadka Guunka ah ee ugu caansan Goobaha Waxbarshada isla markasna uu macaliminti masaarida ahaa ee dhigaysay u wareejiyey meelo kale.

Waxay ardaydan oo ay hareero socdaan qaar kamida waalidiintoodi xuseen in guddonka waxbarshada gobolku uu qancin kari waaayey ardayda maxadka Jamaal cabdinasir oo hore cabasho ugu geeyey isla markaasna uu maamulkoodu faro madhan kala so noqday wakhtiyo uu gaar ugu tagay.

Ardaydan oo kor u taaagaysa Buugaagti Cusbayd ee ay Maxadka kula so noqdeen sannad dugsiyedka cusub oo furitaankisii ay ka soo wareegtay ku dhowaad 2 Bilood isl amarkaasna an waxba ku xariiqin buugtooda maalin walbana ay tagi jireen Maxadka maclina anu uso geli jirin aya aaad uga cawday gudomiyaha waxbarashad gobolka xasan jaamac, iyago wasiirka waxbarashada iyo madaxweynaha ugu baaqay inay ka bedelaan guddomiyaha la hadhaya waxbarashada gobolka, iyago ku tilmaamay masuul dugsiyada dawlada lugta jiida kuwa gaarka loo leeyahayna ugu shaqeeya laaluush, waxayna xuseen inaanu ahayn nin masuliyaddan u qalma balse gobolku u baahanyahay masuul shaadh cad oo aan baahnayn.

"Waxanu caddaynaynaa in xaqayagi la duudsiiyey oo xaqayagi lanaga qaaday, haddaytahay waxbarashadi anu lahayn iyo hadday macalimintayadii, 2 bilood ban iskuulka dhiganaynay wax naloo dhigayna ma jirto, maamulkayagii iyo waalidkayagi ba hore yay ugu yimaden wasarada wxbarshada waxbana wa nalo qaban waayey, macalimintayadiina wa la iibiyey oo laaluush ba lagu kala qaatay hadii macalimntayadii weekga so socda nalo so celin waayo iskuulka dib u iman mayno sidaasanu ku baaba’ayaa,” ayay tidhi mid ka mida ardayda hablaha ee dugsigaasi jamal cabdinasir

"Halkan waxanu isugu nimi bannanbax cabasho ah oo an wax rabshad ah wadan, Baaq qaylo dhaan banu madaxweynaha halkan uga dirayna, mudane madaxweyne waxanu lenahay Jamal Cabdinasir gacanta xukumadaada ayu ku dhintau saaka, wxanu lenahay wasarada waxbarashada 10ki sano ee u danbeyey wasaarada ayu tagayey mamulka iskulku, Derejoyinka sare e dalkana wuxu maxadku ku waayaa waa macaliminta no saxda imtixaanadka oo an wax aqoon ah u lahayn iyo Turjumada laga so turjumo luqada Googlaha Internetka ee Translationka inkasto anu taas u dulqadanay waxanu saka u dulqaadan waynay in mcaliminti hore uu k dhammaday heshiiski 4ta sano macalimin danbena anaay wasaradu ka hawlgelin keenistoda, iskuulki saka wu xidhanyahay wasaradda ayaana ka masuul ah xidhnaantiisa” ayuu yidhi isaguna mid kale oo kamida wiilasha ardayda ah ee saaka bannaanbxa samaynayey

Gebogabadii Gudomiyaha waxbarashada oo ay isku dayday inay warbahintu wax ka waydiiso cabashda ardaydan aya gebi ahanba diiday oo xawaare ku dhaafay ardaydii cabanaysay, isago aflagaadooyin iyo hanjaabaad isugu daray weliba ardayda hortiisa cabashada ka samaysay








Cabdirisaaq Cabdilaahi Aadan(Koronto)
Burco/Office