BASHAR AL-ASSAD OO MAR KALE LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA SUURIYA
Madaxweynaha Suuriya ayaa dib loogu doortay Bashar Al-assad ka dib doorasho wadankaasi ka qabsoontay. Waxa uu ku guulaystay Boqolkiiba 89 codadkii la dhiibtay, sida uu sheegay Afhayeenka Baarlamaanka Suuriya Maxamed Al-laxaam oo ku dhawaaqay Natiijada Doorashada.
Doorashada waxaa ka qayb qaatay dadka ku nool dhulka Dawladda Suuriya maamuusho. Dawladdu waxa ay sheegtay in boqolkiiba 73 dadku u soo baxeen Doorashada.
Doorashada ayaa waxaa la qabtay xilli uu dalkaasi bartamaha kaga jiro dagaal sokeeye, dadka ku nool deegaanada ay dowladda maamusho oo kaliya ayey u suurtagashay in ay ka qeyb qaataan doorashada.
Doorashadan ayaa ah markii u horaysay ee loo Ogolaado qof aan Qoyska Bashar Al-assad uu ka qayb galo, hase ahaatee Mucaaradka Suuriya iyo Maraykanku waxay ku tilmaameen mid aan macno lahayn. Mucaaradka ayaa doorashada qaadacay, kuna tilmaamay mid khiyaali ah.
contact@afkashacabka.com
BASHAR AL-ASSAD OO MAR KALE LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA SUURIYA
Madaxweynaha Suuriya ayaa dib loogu doortay Bashar Al-assad ka dib doorasho wadankaasi ka qabsoontay.