Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB - BARI oo saka lagu caleemo saaray Gobolka Togdheer iyo Qaabkii ay u dhaceen Munasibadihi Caleemo Saarka iyo Caano shubku + SAWIRO

0
Thursday June 05, 2014 - 16:06:31 in by Super Admin
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB - BARI oo saka lagu caleemo saaray Gobolka Togdheer iyo Qaabkii ay u dhaceen Munasibadihi Caleemo Saarka iyo Caano shubku + SAWIRO

    Madal Meeqaamkeedu Sarreeyey oo ay soo Buux dhaafiyeen Wasiiro, agaasimayaan Maamulada heer Gobol iyo degmo ee Burco, iyo Berbera iyo in ka badan 21 Suldaan oo kala Yimi Gobolada Dalka aya lagu caleemo Saray Suldaan Maxmed Ismacil Jamac Foolgaawe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madal Meeqaamkeedu Sarreeyey oo ay soo Buux dhaafiyeen Wasiiro, agaasimayaan Maamulada heer Gobol iyo degmo ee Burco, iyo Berbera iyo in ka badan 21 Suldaan oo kala Yimi Gobolada Dalka aya lagu caleemo Saray Suldaan Maxmed Ismacil Jamac Foolgaawe

Waxaa maanta Tuulada Ceesha oo 10km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Burco lagu caleemo saaray Suldaanka guud ee Beelaha ARAB BARI Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac (Foolgaawe) , waxaana Munaasibada Caleema saarka Suldaanka cusub kasoo qeyb galay Wafti ay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeraha, Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Shiikh Khaliil Cabdilahi axmed, Wasiirku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Agaasimaha Guud ee Beeraha, Cabdilaahi Ismaaciil Gudomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Gudoomiyha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar Duqa Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) Salaadiin Cuqaal ka kala yimi guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalkan Somailland.


Waxaana halkaasi lagu caleemo saaray islamarkaana lagu caano shubay Suldankan Cusub oo lagu Magacaabo Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac (Foolgaawe) Suldaanka ayaa loo soo galbiyey Dhinaca Magaalada burco waxaana lagu soo wareejiyey Jidadka waa weyn ee Magaalada burco iyadoo ay gelbinayaan Baabuur iyo Dadweyne aad u tiro badan.


Waxana Kadib Suldaan loo gelbiyey dhinaca Hotel Cigaal oo munaasibad heer sare ah oo loogu talo galay caleema saarkiisa loogu qabtay .


Munaasibadan waxa khud bado isugu jiray, Dardaaran, Duco iyo Taageero ba ka soo jeediyey Masuliyiintii Ka socotay Xukuumadda, Salaadiin ka kala yimi Gobolada, Saaxil, Maroodijeex, Sanaag, Awdal iyoTogdheer, Dhammaantood waxay bogaadiyeen uguna duceeyeen inu ilaahay xilkaas culus u fududeeyo, iyagoo bulshadana ugu baaqay inay la shaqeeyaan islamarkaasna anu qofku keligii waxba qaban Karin, waxay salaadiinta badankoodu uga sheekeyeen faaidooyinka iyo dhibta ay leedahay Saldanadu iyagoo si waafiya u sharraxay kaalinta mugga leh ee uu buuxin doono suldaankani.


Sulaadiinta iyo masuliyiinta kale ee halkaas ka hadashay waxa ka mid ahaa, Wasiirka Beeraha, Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Shiikh Khaliil Cabdilahi axmed, Wasiirku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Agaasimaha Guud ee W/Beeraha, Cabdilaahi Ismaaciil, Gudomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, Gudoomiyha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar Duqa Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), Suldaanka Gud ee Beelaha Somaliland Suldaan Cabdiraxman Suldan Cabdiqadir Faarax, Afhayeenka Salaadinta Somaliland Suldaan Yusuf Muxumed Xiirey, Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan C/kariin Maxmed Ismaaciil, Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen, Suldaan Cabdiraxman Qodax, Suldaan Barre, Suldaan Wakiil ka ahaa Suldaanka Guud ee Subeer Awal iyo Guddomiyaha Beelaha Hyoonis Xasan Xuseen.


Waxa iyaguna Munasibadda kahadlay Guddomiyaha Guddigii qabanqabaada Caleemo saarka Suldaan Cilmi Jibriil, iyo suldaanka la caleemo saaray Suldaan Maxmed ismaciil Jaamac Foolgaawe, waxayna si weyn ugu mahadceliyeen Dadweyna tirade badan ee isaga kala yimid dalka iyo debedda ee ka soo qaybgalay caleemo saarka suldaanka, wuxuuna suldaanku sheegay inu dadka ugu adeegayo cadaalad iyo sinaan isla markaasna aanu noqonayn suldaan beeleed ee uu yahay suldaan Somaliland,kana mid ah madaxdhaqameedka Somaliland.


Dhalinyaro ku hadlay afka Beelaha Arab oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa si buuxda u sheegay inay taagersan yihiin lana shaqayn doonaan Suldaanka guud ee Arab Bari, isla markaasna ay magaalada Balligubadle dib ugu caleemo saari doonaan mar kale, iyadoo bay yidhaahdeen dhaowaan la qaban doono shirweyne Beelweynta Arab isugu imanayaan oo kaga tashanayaan aayahooda.


Caleemo saarka Suldaan Maxmed Jamac Ismacil Folgaawe ayaa laga dareemay Guud ahaanba Deegaamada Ay beelaha ARAB degaan sida Hargeysa, Berbera, Balligubadle iyo Burco, waxaana maalmihii u danbeeyey qabanqaabada Caleemo saarka suldaanku ka socday Gobolka Togdheer.



Afkashacabka.com

Burco /Office

Contact@afkashacabka.com

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA CALEMO SAARKA SULDAANKA