Falanqaynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Ee Manchester Derby Ee Old Traffrod Ku Dhex Mari Doona Kooxaha Ree Manchester, Xifiltankii Jose Mourinho & Pep Guardiola Oo Dib U Bilawday Iyo Kulankan Oo Aduunka Oo Dhan Laga Sugayo

0
Saturday September 10, 2016 - 07:19:26 in by Burco Office
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqaynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Ee Manchester Derby Ee Old Traffrod Ku Dhex Mari Doona Kooxaha Ree Manchester, Xifiltankii Jose Mourinho & Pep Guardiola Oo Dib U Bilawday Iyo Kulankan Oo Aduunka Oo Dhan Laga Sugayo

    Indhaha aduunka oo dhan ayaa mar kaliya ku soo wada jeedsan doona Old Trafford marka ay labada tababare ee sida wayn u soo xifiltami jiray ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola ay iskala horyimaadaan kooxaha colaada gaamurtay ka dhexayso ee Manchester U

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indhaha aduunka oo dhan ayaa mar kaliya ku soo wada jeedsan doona Old Trafford marka ay labada tababare ee sida wayn u soo xifiltami jiray ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola ay iskala horyimaadaan kooxaha colaada gaamurtay ka dhexayso ee Manchester United iyo Manchester City.


Markii horeba waxa uu kulankan Manchester Derby ahaa kulan xiiso iyo xamaasad badan isla markaana aan waxba layskula hadhin marka ay garoon iskugu soo galaan min heerka da’yarta labada kooxood ilaa kooxaha kowaad, laakiin xamaasadaas waxaa sii kun jibaaray labada tababare ee Mourinho iyo Guardiola oo ka mid ah tababarayaasha aduunka ugu fiican basle in ay magaalada Manchester ku xifiltamaan ayuu aduunku il gaar ah ku fiirinayaa waxa ka dhici doona Old Traffrod.

Manchester Derby

Mourinho iyo Guardiola ayaa shirarkoodii jaraa’id ixtiraam iskugu muujiyay wuxuuna Guardiola sheegay in xifiltanka u dhexeeya Mourinho ay inta badan saxaafadu buun buunisay isla markaana aanu waxba ka qabin in uu koob khamri ah la cabo Mourinho haddii uu marti qaad ka helo. Xaalada Old Traffrod ayaa noqon doonta mid khaas ah iyada oo jamaahiirta Red Devils ay maanka ku hayaan muhiimada uu kooxdooda kulankani u leeyahay.Pep Guardiola (left) and Jose Mourinho have enjoyed a frosty relationship in the past

 

Manchester United ayaa saddexdii kulan ee ugu horeeyay guulo ka soo gaadhay kooxaha Bournemouth, Southampton iyo Hull City oo ay si dirqi ah saddexda dhibcood kaga heshay halka kooxda Sky Blues ay guulo muhiim ah ka soo gaadhay kooxaha Sunderland, Stoke City iyo West ham United, sidaa daraadeed waxay labada kooxood doonayaan in ay sii wataan guulaha xidhiidhka ah ee ay soo wadeen.

Image result for Manchester United vs Manchester City 2016

Waxaa hubaal ah oo uuna qofna shaki kaga jirin in kulanka Old Traffrod ay kooxaha ree Manchester dhibco lumin doonaan haddii ay mid ka mid ahi ay guulaysato iyo haddii ay barbaro galaanba, waxaana taas ka faa’iidaysan karta kooxda Chelsea haddii ay guul ka gaadho kulanka Swansea City. Haddaba halkan GOOL24.NET kaga bogo falanqaynta kulankan oo aad u faah faahsan.man-united-vs-man-city12