Maxaa dhalinyarada guurka ka hortaagan? W/Q Sh Maxamuud Sh Xassan Abu Dalxa

0
Saturday September 10, 2016 - 12:03:06 in by salman abdi
  • Visits: 2170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa dhalinyarada guurka ka hortaagan? W/Q Sh Maxamuud Sh Xassan Abu Dalxa

    Waa Maqaal kooban oo uu Sh Maxamuud Sh Xassan Abu Dalx uu kaga hadlayo waxyaabaha dhalinyarad ka hortaagan guurka iyo weliba waxyaabaha sababta u noqda furiinka deg deg ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maqaal kooban oo uu Sh Maxamuud Sh Xassan Abu Dalx uu kaga hadlayo waxyaabaha dhalinyarad ka hortaagan guurka iyo weliba waxyaabaha sababta u noqda furiinka deg deg ah  oo maalmahaan danbe cilad ku noqday guurka iyo waxyaabah looga bixi karo arrimahaas wuxuuu ku soo koobayaa qodobada soo socda.

1.Guurka iyo waxa uu xanbaarsanyahay oo aanay dhalinyaradu aqoon u lahayn,si fiicana u fahansaneyn.

2.Waalidiinta oo aan dhalinyarada u diyaarin sidii ay u qaadi lahaayeen masuuliyada qoyska gaar ahaan wiilasha.

3.Awooda dhaqaale ee dhalinyarada guurdoonka ah oo kooban iyo aroosyada Soomaalida oo aad qaali u ah,marka lagu daro meherka.

4.Waalidiinta oo qaar ka mid ahi dhalinyarada kula talinayaa in ay waxbarashada dhameystaan ka dib ay guursadaan,ama dhalinyaraduba ku tashato.

5.Burburka,buuqa iyo wada dhaqan xumada qoysaskii hore oo dhalinyada ku abuura baqdin iyo walaac xagga guurka ah.

6.Yaa tahay, yuu yahay reer hebel isma guursano,oo dhalinyaro badani ku guurseegeen.welina socota.

7.Shuruudaha oo dhalinyarada laftoodu isku adkeeyaan sida gabar ama wiil 100% ah Iyo waliba gabdhaha wax bartay oo kabadan wiilasha taasoo sababta inay gabadhiiba raadiso nin kasareeya ama la mid ah!

8.Sida dhalinyarada guurdoonka ahi isu bartaan oo aad u adag.

9.Dhaqamada waddammadan aynu nimi laga dhaxlay oo ah in dhalinyaradoodu ku guur sadaan ilaa 30 jir.

10.Zinada oo u fudud qofkii aan Allah ka cabsaneyn,guurkana ka daahiya.

A. Maxaa keena furiinka degdega ah.

1.Qaabkii shukaansiga oo qaloocday.

2.Masuuliyad xumo iyo daacad la,aan.

3.Barbaarin xumo xagga waalidka ah.

4.Ujeedada iyo hadafka guurka oo aan marka hore si fiican loo fahmin.

5.Fara gelin kaga timaada labada waalid iyo asxaabtooda taas oo guriga lagu duminayo.

6.Gabdhaha oo guryaha lagu cidleeyo,halka wiilashu ay waqti badan maqanyihiin.

7.Gabdhaha oo haddii la furo aan baahi dhaqaale u qabin wiilasha.

8.Balwad qarsooneyd oo isasoo qaawisay.

9.Ballan qaadyadii oo beenoobay.

10.Qaab xalinta khilaafeed oon la aqoon

 

B. Xalku muxuu yahay.

 

1.Xuquuuqda lamaanaha oo looga danbeeyo sharciga Allaah S.W.T

2.Cibaadada Allaah oo labadiyo.

3.In labarto sabir iyo dulqaadka macnahooda.

4.In lasiiyo lamaanaha cusub Dawraad khaas ah oo lagu barayo qaabka noolasha iyo barbaarinta ubadka.

5.Inay ku xirmaan Masaajidada iyo meelaah qeyrka.

6.Inay bartaan dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaalida ee suuban

7.In laga sheekeeyo wannaaga qoysas badan oo guuleystey.

8. In laga hortago dhammaan caqabadaha dhalinyarda guurka ka hortaagan.

9.Waalidiinta in lagala hadlo arimaha dhalinyaradu kaga cabanayaan.

10.Qaababka arosyada soomaaliyeed oo ubaahan in wax badan laga badalo.

11.Mehirka oo hoos loo dhigo( kan ii dhahdana lala dagaalamo).

12.Sirta qoysaska oo la ilaaliyo.

13.Maraakizta, Culimada,aqoon-yahanada iyo Waalidiinta oo iska kaashada Channels ay isku bartaan kuna xiriiraan Da,yartu.Laguna baro axkaanta guurka, mas,uuliyadda, iyo waliba haddii uu khilaaf yimaado sidda loo xaliyo.Sameeyaanna Hay,ad ka’caawisa Da,yarta guurka.

Fadlan ku soo dir wixii Afaar ah oo ku biirinayso 

emailkaan abuudhalha@hotmail.com

W/Q Sh Maxamuud Sh Xassan Abu Dalxa