Kooxda Heerka Labaad Ka Soo Dalacday Ee Alaves Oo Barcelona Ku Garaacday Camp Nou, Isbadalkii Shaxdii Luis Enrique Oo Ceeb U Soo Jiiday Barcelona

0
Sunday September 11, 2016 - 10:31:16 in by Burco Office
  • Visits: 973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Heerka Labaad Ka Soo Dalacday Ee Alaves Oo Barcelona Ku Garaacday Camp Nou, Isbadalkii Shaxdii Luis Enrique Oo Ceeb U Soo Jiiday Barcelona

    Kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Alaves ayaa ka yaabsatay kooxda koobka horyaalka La Ligaha difaacanaysa ee Barcelona, waxayna Alaves 2:1 ku garaacday Barcelona oo Camp Nou marti loogu ahaa. laba gool oo ka kala yimidDeyverson iyo Ibai Gomez a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Alaves ayaa ka yaabsatay kooxda koobka horyaalka La Ligaha difaacanaysa ee Barcelona, waxayna Alaves 2:1 ku garaacday Barcelona oo Camp Nou marti loogu ahaa. laba gool oo ka kala yimidDeyverson iyo Ibai Gomez a

yaa guuldaradii ugu horaysya ee xili ciyaareedkan dhagka u galiyay Barcelona halka gool uu dhaliyay Mathieu aanu waxba soo korin.

Qaladka ugu wayn ee uu Luis Enrique sameeyay ayaa ahaa in uu si aan caadi ahayn isbadal ugu sameeyay shaxdiisa, waxaana xaqiiq ah in la qiro qaab ciyaareedka dhiiranaanta cajiibka ah lahaa ee ay la soo shirtagtay kooxda Alaves oo samaysay difaacasho aan caadi ahayn iyo weerar deg deg ah oo ay adkaysan kari waayeen difaacyada uu Enrique kulankan u soo doortay.alaves

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaysay kooxda Alaves ee heerka labaad ka soo baxday, waxayna kooxda Luis Enrique kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysay natiijada kulankii Real Madrid ay ku xasuuqday kooxda Osasuna, waxayna doonayeen in ay jawaab ka bixiyaan isla markaana ay sii wataan guulaha boqolkiiba boqolka ahaa ee ay ku soo bilawdeen La Ligaha.

Warka ugu wayn ee ka hor kulankan ayaa ahaa in Lionel Messi, Luis Suarez iyo Andre Iniesta ay dhamaantood kaydka ku jireen, si la mid ah Jordi Alba iyo Samuel Umtiti, wuxuuna Enrique shaxdiisa ku sameeyay isbadal wayn.

GoolhayeTer Stegen ayaa jimcihii ku dhawaacmay tababarka kooxdiisa waxaana goolka Barcelona ku soo bilawday saxiixa cusub ee JasperCillessen, waxaana sidoo kale kulankan ku soo bilawday gool dhaliyaha dhawaan Barcelona ku soo biiray ee Paco Alcacer. Neymar JR ayaa isna markii ugu horaysay xili ciyaareedkan u saftay Barca.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Barcelona (4-3-3): JasperCillessen, Mascherano, Mathieu,Lucas Digne, Aliex Vidal, Sergio Busquets, Denis Suarez, Ivan Rakitic, Arda Turan, Neymar JR, Paco Alcacer.

Kaydka:Iniesta, L. Suarez, Messi, Rafinha, Alba, Umtiti, Masip.

Alaves (5-4-1): Pacheco; Kiko Femenia, Laguardia, Alexis, Hernandez, Raul Garcia; Edgar, Torres, Llorente, Ibai; Deyverson.

Neymar vies with Marcos Llorente

Arinta ugu yaabka badnayd ee qaybta hore ee kulankan ka dhacday ayaa ahayd qaabka cajiibka ahaa ee ay kooxda martida ahayd ee Alaves ay iskaga difaacday Barcelona qaybtii hore ee kulankan, waxayna u soo banaysay garoonka iyada oo xidhatay xerada ganaaxa kooxdeeda. Barcelona ayaa ku fashilantay in ay jabiso difaaca birta ahaa ee kooxda Alaves ay awoodeeda iskugu gaysay.

Barcelona's Turkish forward Arda Turan (L) vies with Alaves' midfielder Marcos Llorente

Laakiin hal fursad oo ay heshay kooxda Alaves ayaa isku dhaafay dhamaan fursadihii ay kooxda Luis Enrique samaysay qaybtii hore ee kulankan. Isbadalka wayn ee uu Enrique shaxdiisa ku sameeyay ayaa laga dareemayay caajib badan inkasta oo kubbad haynta iyo maamulada ciyaarta ay awoodeen.

Ivan Rakitic competes for the ball with Raul Garcia

 

Daqiiqad kasta waxaa la filan karayay in Barcelona ay la iman karto goolka furitaanka sababtoo ah waxay markasta dul joogeen goolka Alaves, basle taasi marnaba qaybta hore ma noqon mid suurtogal noqotay, waxayna kooxda Balaugrana la kulantay iska caabin cajiib ah.

Aleix Vidal and Theo Hernandez in action

DAQIIQADII 39 AAD GOOOOOOOL!Iska ilaw kubbad hayn iyo Tiki-Taka, kooxda Alaves ayaa hogaanka ciyaarta kula wareegtay goolka furitaanka inkasta oo ay fursadii ugu horaysay oo gool lagu dhalin karo ay heshay, waxaana goolkan Barcelona wadnaha ku gooyayDeyverson Brum Silva, kaas oo goolhaye Jasper goolkii ugu horeeyay ee waayihiisa Barcelona ka dhaliyay, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Alaves hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Deportivo Alaves' Brazilian forward Deyverson (C) celebrates a goal

Kubbad uuFrancisco Femenía uu koorne ka soo tuuray ayaa dhibaatadan Barcelona u horseeday, waxayna Barcelona bilawday in ay ka dagaalanto goolka looga hormaray iyada oo Camp Nou joogta. Neymar JR , Arda Turan iyo Rakitic ayaa dhamaatood fursado fiican ka lumiyay Barcelona waxayna qaybta hore ku dhamaatay 1:0 ay Alaves hogaanka ciyaarta ku haysay.

Neymar Jr. of FC Barcelona reacts after missing a chance to score

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee kulankan ayay Barcelona soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana doonaysa in ay ciyaarta si dhab ah wax uga badasho. Kooxda martida loo ahaa ee Barcelona ayaa markiiba bilawday in ay si xoogan u raadiso goolka barbaraha kaas oo aan soo daahin.

DAQIIQADII 46 AAD GOOOOOOOL!Barcelona ayaa si deg deg ah ula timid goolka barbaraha si ay ciyarta dib ugu soo laabto waxaana gool madax ah u saxiixay Jérémy Mathieu kaas oo si fiican uga faa’iideeyay kubbad uu Neymar JR ka soo tuuray koorne, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Barcelona's French defender Jeremy Mathieu

Markan Barcelona ayaa bilawday in ay raadiso goolka labaad laakiin Alaves ayaa weeraro deg deg ah si geesinimo leh ugu soo qaadaysay goolka Barcelona, waxayna ciyaartu noqotay mid xamaasad badan isla markaana ay labada kooxoodba ku raadinayeen goolka laabad.

DAQIIQADII 60 AADLuis Enrique ayaa kaydka uga yeedhayLionel Andrés Messi, wuxuuna ciyaarta ka saarayDenis Suárez wuxuuna Enrique doonayay in saamaynta Messi uu u isticmaalo dhiiro galinta ciyaartoda kooxdiisa laakiin dhiiranaanta Alaves ayaa ahayd mid cajiib ah.

DAQIIQADII 64 AAD GOOOOOOL! Ma rumaysan karin sida liidata ee ay difaacyada Barcelona ee Mascherano, Vidal iyo Mathieu ay sabab u ugu noqdeen in Alaves ay markale la timaado goolkeeda labaad, waxaana difaaca Barcelona dariiq ka sii dhigtayIbai Gómez Pérez ka hor intii aanu si fiican u dhamaystirin kubbad uu si qurux badan uga shaqaystay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay markii labaad Alave hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 64 AADoo ah isla daqiiqadii Barcelona goolka labaad laga dhaliyay ayuu Enrique ciyaarta ka saarayArda Turan, wuxuuna kaydka uga yeedhayAndrés Iniesta halka laba daqiiqo kadib uu Enrique ciyaarta ka saarayFrancisco Alcácer waxaana in uu Barcelona badbaadiyo loo soo galiyay Luis Suarez oo kulankiisii 100 aad Barcelona u saftay.

Barcelona ayaa awoodeeda oo dhan iskugu gaysay sidii ay ula iman lahayd goolka barbaraha laakiin difaacyada uu kulankan Enrique u soo doortay ayaa u muuqday kuwo si xun ugu dhibtoonayay kubbadaha weerar celiska ah ee Alaves iyada oo Umtiti iyo Pique ay kulankan ka maqnaayeen. Goolhaye JasperCillessen ayaa soo badhigay qaab ciyaareed aad u liitay oo shaki wayn galiyay awoodiisa ciyaareed.

Wax kasta oo ay Barcelona garoonka ka samaysay waxay awoodi wayday in ay mar labaad gadho shaba kooxda Alaves waxayna taasi keentay in Alaves ay ka yaabsato kooxda koobka La Ligaha difaacanaysa ee Barcelona isla markaana ay Camp Nou ku qaadato saddexda dhibcood iyada oo 2:1 ku muquunisay kooxda Barcelona. Qaladkii ugu waynaa ee uu Enrique sameeyay ayaa ahaa in uu ku dhawaaday in uu gabi ahaan shaxdiisa wada badalay.