WASIIRKII HORE EE XIDHIIDHKA GOLAYAASHA OO GABI AHAANBA DAADUFEEYAY SABABIHII UU M/SIILAANYO U CUSKADAY XIL KA QAADISTIISA

0
Friday June 06, 2014 - 19:34:41 in by Super Admin
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKII HORE EE XIDHIIDHKA GOLAYAASHA OO GABI AHAANBA DAADUFEEYAY SABABIHII UU M/SIILAANYO U CUSKADAY XIL KA QAADISTIISA

    Wasiirkii hore ee xidhiidhka Golayaasha, Tiknoologiyada iyo Cilmibaadhista Md. Aadan Axmed Warsame ayaa daadufeeyay gabi ahaanba sababaha uu Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo u cuskaday xil ka qaadistii uu ku sameeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee xidhiidhka Golayaasha, Tiknoologiyada iyo Cilmibaadhista Md. Aadan Axmed Warsame ayaa daadufeeyay gabi ahaanba sababaha uu Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo u cuskaday xil ka qaadistii uu ku sameeyay


todobaadkan horaantiisii, waxana uu ku tilmaamay mid la buunbuuniyay xaqiiqdana ka fog, sidan waxa uu Md. Aadan sheegay mar ay shabakadu kula xidhiidhay khadka taleefanka.

"Madaxwaynuhu waa masuulkii qaranka, wuu ku mahadsan yahay xilka uu ii dhiibay, xilka qaadistuna waa hawl uu isagu awood dastuuri ah u leeyahay, mana diidani in uu xilka iga qaado, oo waan soo dhawaynayaa, balse waxa aan ka biyo diiday oo aan gabi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamayaa sababaha uu u cuskaday xil ka qaadistayda”

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu Md. Aadan yidhi "Madaxwaynaha xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeyay, hadii ay cabasho iga dhan ahi u timid waxa ay ahayd si ay u sugnaato cadaalada arinta uu ka gar naqayaa, in uu anigana ii yeedho oo wax iga waydiiyo, mase qaadin talaabadaas,iima yeedhin, waxna igama waydiin waxa la igaga cabanayo, waxa uu ku go’aan qaatay hal dhinac, gabi ahaana cabashooyinkaas iga dhanka ahaa ee uu Madaxwaynuhu dhagaystay waa kuwo la buun buuniyay oo xaqiiqda ka fog, sidoo kalena aan sal iyo raad midna lahayn”

"Marka aan ka xog waramo sida ay wax u dheceen waxa ay ahayd in Agaasimaha Guud ee Wasaarada aan masuulka ka ahaa ee maalintaas ku dacwooday inuu na dhex martay gacan-ka-hadalku uu isaga oo cadhaysan, fidno iyo dagaalkana la socda uu xafiiskayga isa soo hor taagay, markii askarigii xafiiska hor fadhiyay oo diiday inuu gudaha u gudbana uu isla askarigii la dagaalamay, oo nabaro gaadhsiiyay, taasi waa marag ma doon, waxana ay dhakhaatiirtu cadaysay in askarigii uu la dagaalay ninka Agaasimaha ah ee fidnada waday uu ilkaha wax ka qabo, waana joogaa askarigii, oo waad waraysan kartaa, mana jirin maalintaasi wax na dhex maray aniga iyo Agaasimaha dacwada beenta ah nagu soo oogay, marka laga reebo in aan anigu hore shaqo joogin ugu sameeyay kadib markii aan arkay in xilka iyo masuuliyada Wasaarada ee isagu uu u xilsaarnaa uu ku fashilmay, khilaafna uu na dhex maray, Madaxtooyaduna aanay isku dayin inay na dhex gasho oo ay khilaafkaasi dhamayso” Ayuu yidhi Md. Aadan.

"Dulucdu waxa ay tahay in gudashada xilka qaran ee la ii igmaday aan si wanaagsan oo itaalkayga iyo garashadayda ku siman aan u gutay mudadii aan xilka hayay, balse ay jiraan caqabado badan oo is biirsaday oo ku gadaaman ninkasta oo masuulka ah, kuwaas oo marwalba raba inay fashiliyaan gudashada waajibka qaran ee masuulka, sidoo kalena waxa aan ka marag kacayaa in shaqsiyaadka ay shaqada qaran ka dhaqaaqi la’dahay ay yihiin kuwo ku xididaystay laamaha dawliga ah, isla markaana hadimooyinka iyo hagardaamada is huwan ee ay habeen iyo maalin ka shaqaynayaan ay jiraan dad badan oo masuuliyiin ah oo dhagaha u raariciya, iyo kuwo kale oo intan ka badan oo bulshadu u taqaan xilsidayaal, balse tumaya durbaano qabyaaladeed oo qarankan aan dan u ahayn, dulucdooduna ay tahay inay u ololeeyaan xil ka qaadista masuulka garashada dheer ee xilkiisa gudanaya” ayuu hadalka ku soo koobay Md. Aadan





Abdale Ali Yusuf

Borama / Somaliland