Hordhac: Manchester City v Borussia Monchengladbach: Sergio Aguero Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Citizens

0
Tuesday September 13, 2016 - 10:56:13 in by Burco Office
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Manchester City v Borussia Monchengladbach: Sergio Aguero Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Citizens

    Kadib guushii ay todobaadkaan ka gaareen Manchester United, wiilasha macalin Pep Guardiola ayaa gurigooda kusoo dhaweynaya kooxda reer Jarmal eeBorussia Monchengladbach kulanka ugu horeeya wareega groupyada Champions League-ga xili ciyaareedkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib guushii ay todobaadkaan ka gaareen Manchester United, wiilasha macalin Pep Guardiola ayaa gurigooda kusoo dhaweynaya kooxda reer Jarmal eeBorussia Monchengladbach kulanka ugu horeeya wareega groupyada Champions League-ga xili ciyaareedkaan.


Manchester City ayaa ku jirta groupka C oo ay wadaag kula tahay kooxaha Celtic, Barcelona iyo kooxda ay caawa soo dhaweyneyso eeBorussia Monchengladbach, kuna darso in Citizens ay xagaagii lasoo dhaafay laba jeer garaaceen kooxdaan Bundesliga ka dhisan.

man-city-vs-gladbach-match-preview-prediction-uefa-champions-league-group-c-2016-17

WARIXINTA KULANKA:

Kulanka:Man City vsBorussia M’gladbach

Tartanka:Champions League (Group Stage)

Garoonka:Etihad Stadium

Saacadda:9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore:Bjoern Kuipers (Netherlands)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Fabian Delph iyo Fernando ayaan wax tababar ah la sameynin kooxda isniintii kadib dhaawacyo kusoo cusboonaday labadooda, kabtan Kompany ayaa wali sii wada soo kabsashadiisa isagoo ku dhaw inuu garoomada kusoo laabto.


 
 

Gundogan ayaa ku dhaw inuu caawa safto kulankiisii ugu horeeyay kooxdiisa cusub kadib markii uu si taam ah uga soo bogsooday dhaawacii jilibka. Yaya Toure ayaan ciyaari karin madama uusan ku jirin liiska kooxda.

MA OGTAHAY?

Monchengladbach ayaa badisay kaliya hal jeer lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay dhamaan tartamada oo dhan la ciyaartay kooxaha ka socda England, guushaasna waxey 3-2 kaga badisay Arsenal tartankii UEFA Cup September 1996.

Kulanka caawa waxey u noqoneysaa Manchester City iney xili ciyaareedkeedii 6-aad oo xiriir ah kasoo qeyb galeyso Champions League.

Monchengladbach waa markii labaad oo ay si xiriir a uga soo muuqaneyso Champions League iyadoo ku fashilantay 23-kii xili ciyaareed ee ka dambeeyay.

Aguero ayaa ku fashilmay inuu shabaqa soo taabto shantii kulan ee ugu dambeysay Champions League, waana abaartii ugu dheereyd.

Shaxda Macquulka Ah:

Manchester City:

Bravo; Zabaleta, Otamendi, Stones, Kolarov; Fernandinho; Sterling, De Bruyne, Silva, Sané; Agüero.

Mönchengladbach:

Sommer; Elvedi, Christensen, Jantschke; Dahoud, Kramer, Wendt; Traoré, Stindl; Hazard, Raffael.