Saxiixa Ugu Qaalisan Dunida & Afar Xidig Oo Man United Ah Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Xun Isbuucaan Horyaalka Ingiriiska
ah ee Goal.com, Red Devils wiilasheeda ayaana qaab ciyaareed xun soo bandhigay kulankii Manchester Derby ee ay qasaaraha kala kulmeen dhigooda Manchester City.
Paul Pogba oo ah saxiixa ugu qaalisan dunida kubadda cagta ayaa kasoo muuqday shaxdaan, waxaana kula jira afar ka mid ah ciyaartoyda Red Devils oo kala ah: Kabtan Wayne Rooney, Daly Blind oo sabab u ahaa inuu dhasho goolka Kevin De Bruyne, Mkhitaryan oo gabi ahaanba aan waxqabad sameyn iyo Jesse Lingard.
Claudio Bravo ayaa lagu soo dhaweeyay in loo doorto goolhayihii ugu xumaa isbuucaan horyaalka Ingiriiska kadib markii uu qaab ciyaaree qaraw ah soo bandhigay kulankii Manchester Derby, Bravo ayaa qalad ku lahaa goolka Ibrahimovic, sidoo kalana wuxuu sameeyay qaladaad badan oo kooxdiisa lagu ciqaabi karay.
Labada wiil ee Leicester City Shinji Okazaki Iyo Robert Huth ayaa liiskaan boos ku yeeshay , halka xidigaha Stoke City ee Imbula iyo Cameron ay qudhooda boos ku leeyahiin.
Saxiixa Ugu Qaalisan Dunida & Afar Xidig Oo Man United Ah Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Xun Isbuucaan Horyaalka Ingiriiska
Manchester United ayaa noqotay kooxda ugu badan ee ciyaartoy ku yeelata shaxda kooxdii ugu xumeyd isbuucaan kulamada horyaalka Ingiriiska ee ay doortaan khabiiradda shabakadda caalamiga