"Uefa Waa Maafiya" – Jamaahiirta Barcelona Oo Weeraray Xalayto UEFA Xilli Ay Soo Bandhigeen Calankooda Xoriyad Doonka Ee Estelada
ayaa qeybiyay 30 kun oo calamada xoriyad doonta ee Estelada taasoo si weyn loogu soo bandhigay garoonka dhexdiisa.
UEFA ayaa u aragta calanka Estelada inuu yahay mid siyaasadeed, waxaana ay ku ganaaxeen Barcelona dhowr jeer madaama ay taageerayaashooda ku soo bandhigeen garoonka dhexdiisa iyadoo kulamo Champions League ah ay socdaan.
Laakiin kaliya ma ahan calan soo bandhigis jawaabta ay bixiyeen jamaahiirta Camp Nou. Waxa ay sidoo kale ku ooriyeen astaanta Champions League iyadoo taageerayaasha Barca ay ka careysan yihiin in UEFA ay ka hortaagan tahay waxa ay u arkaan inay tahay xuquuqdooda. Waxa ay sidoo kale ku qeylinayeen intii ay ciyaarta socotay "Uefa waa maafiyo.”
Waxaa sidoo kale jiray oraahdo ay ku dhawaaqayeen oo la xiriira xoriyad doonkooda ka hor ciyaarta iyo intii ay socotay, waxaana ay caadiyan xoriyadooda u doodaa marka ay ciyaarta socoto 17 daqiiqo iyo 14 ilbiriqsi iyagoo ku xusuusanaya wixii dhacay duulaankii Barcelona ee sannadii 1714.
"Uefa Waa Maafiya" – Jamaahiirta Barcelona Oo Weeraray Xalayto UEFA Xilli Ay Soo Bandhigeen Calankooda Xoriyad Doonka Ee Estelada
Jamaahiirta Camp Nou ayaa xalayto soo bandhigay sida ay uga careysan yihiin UEFA intii uu socday kulankii ay 7-0 kaga badiyeen Celtic ee Champions League. Ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin ururada u olaleeya madax banaaniada Catalan