Chelsea 7 Liverpool 4 – Khabiirka Sky Sports Phil Thompson Oo Soo Xushay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kooxaha Blues & Reds.

0
Friday September 16, 2016 - 10:55:14 in by Burco Office
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea 7 Liverpool 4 – Khabiirka Sky Sports Phil Thompson Oo Soo Xushay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kooxaha Blues & Reds.

    Sky Sports ayaa weydiisay khabiirkeeda Phil Thompson oo halyeey ka ah Liverpool inuu soo xusho shaxdiisa ugu fiican ee isku darka ciyaartoyda Chelsea iyo Liverpool ka hor kulanka caawa labada kooxood ku dhexmaraya Stamford Bridge.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sky Sports ayaa weydiisay khabiirkeeda Phil Thompson oo halyeey ka ah Liverpool inuu soo xusho shaxdiisa ugu fiican ee isku darka ciyaartoyda Chelsea iyo Liverpool ka hor kulanka caawa labada kooxood ku dhexmaraya Stamford Bridge.


Thommo ayaan ku soo darsanin shaxdiisa xiddigii labada gool dhaliyay horaantii isbuucaan ee Roberto Firmino ama Daniel Sturridge isagoo soo xushay shax ay ku yara badan yihiin Chelsea oo uu ka soo xushay todobo ciyaaryahan halka uu afarta kale ka soo xushay kooxdiisa hore ee Liverpool.

chelsea-liverpool-fnf-phil-thompson-thompson_3786841

 

Dhanka goolka waxa uu soo doortay goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois kaasoo booska ka galay ninka ay isku wadanka yihiin ee Liverpool Simon Mignolet, dhanka daafac waxa uu ugu kala qeybiyay labada kooxood si siman. Clyne iyo Azpilicueta ayuu garbaha daafaca kala saaray halka wadnaha daafaca ay wadaagayaan Lovren iyo John Terry.

thommoxi-liverpool-chelsea_3786901

Thommo waxa uu xushay shax ciyaareedka 4-1-4-1 oo ah tan ay Chelsea haatan ku ciyaarto, waxaana xiddiga kaliya ee taagan booska burburiyaha khadka dhexe uu u doortay N’Golo Kante, iyadoo afarta xiddig ee ka horeysa uu si siman ugu kala qeybiyay labada kooxood, Mane iyo Coutinho oo Liverpool ah, Eden Hazard iyo Willian oo Chelsea ah, waxaana uu dhanka afka hore u soo xushay Diego Costa.

Hadaba akhristoow adigana iskuday inaad soo xulato shaxda ugu macquulsan ee isku darka labada kooxood, waa haddii aad ku diidan tahay Phil Thompson sida uu wax u soo xulay.