"Waxaan Rajeynayaa Inaan Aamusiyay Joornaaliistayaasha Wararka Qashinka Ah Iga Qoraya"Cesc Fabregas

0
Wednesday September 21, 2016 - 10:58:34 in by Burco Office
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Rajeynayaa Inaan Aamusiyay Joornaaliistayaasha Wararka Qashinka Ah Iga Qoraya"Cesc Fabregas

    Cesc Fabregas ayaa sheegay inuusan rajeyneyo in qaab ciyaareed guusha ahaa ee uu soo bandhigay kulankii League Cup ee ay Chelsea ka badisay Leicester City inay aamusin doonto joornaaliistayaasha had iyo jeer dhaleeceya ama wax ka qora mustaqbalkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cesc Fabregas ayaa sheegay inuusan rajeyneyo in qaab ciyaareed guusha ahaa ee uu soo bandhigay kulankii League Cup ee ay Chelsea ka badisay Leicester City inay aamusin doonto joornaaliistayaasha had iyo jeer dhaleeceya ama wax ka qora mustaqbalkiisa.

Xiddiga reer Spain ee Chelsea ayaan weli ku soo bilaabanin kulan Premier League ah tan iyo markii uu tababare Antonio Conte yimid Stamford Bridge, taasoo keentay in shaki la geliyo mustaqbalkiisa kooxda. Laakiin waxaa lagu soo bilaabay kulankii xalayto ee ay la ciyaarayeen Leicester, waxaana uu ahaa xiddiga garoonka kulankii ay 4-2 ku badiyeen.

Fabregas ayaa caawinaad sameeyay iyadoo ciyaar madadaalo laheyd la isla aaday 30 daqiiqo oo dheeri ah, laakiin labadiisa gool ee labo daqiqio gudahood uu dhaliyay ayay ku badisay Blues, waxaana uu ciyaaryahanka rajeynayaa in qaab ciyaareedka uu soo gabagabeyn doono wararka ay saxaafada ka qoreyso mustaqbalkiisa.

 

cesc-fabregas-gary-cahill-chelsea-efl-cup_3790931

"Waan ku faraxsanahay inaan marka hore ku soo bilowdo ciyaarta, haddii aan caawin karo kooxdana iyadana waa fantastik.” ayuu Fabregas u sheegay Sky Sports.

"Waxaan rajeynayaa inay tani aamusin doonto dhowr joornaaliistayaal kuwaasoo qashin ku hadlaya waqti walba islamarkaana inay diirada saaraan waxa muhimka ah, guusha Chelsea.

"Waxaan diirada saarayaa inaan si wacan u ciyaaro, marka aan helo fursad waxaan soo bandhigi doona waxa aan qaban karo, sababtoo ah waan ogahay waxa aan qaban karo, wax badan ayaana u qaban karaa kooxdaan.”