Maansada ILBAADSI Erayadii Hal Abuur Maryama Laki Cooraaf
Markaan eegee ilbaadshay
Aduunka duruufihiisa
Miisaanka aqoonta taala
Masuuliyadiyo asluubta
Markaan dhalinteena eegay
Ilayn damac baan ahaaye
Ragoo dhan markaan indheeyay
Midkaan aqalkiyo ardaaga
Uunsiga ugu shidi hadhwtoo
Geyaanka markaan ka eegay
Mudaba aan aayiraayay
Ararta anoon ku raagin
Hadaan alifkuun ku sheego
Runtaa lagu eeran jiraye
Hadaan been kaba ag guuro
Bal eega halkaan arkooday
Casrigan amraneey la joogo
Ogow inan yari midh maha
Masuul iyo argti malaha
Aqoon qoyseed ma haysto
Intood weligaa xaq dhawrto
Hadaad uunsiga qolkiisa
Nadiifinta agabadiisa
Asluubtiyo haybadaada
Xigtada u ardaayideeda
Afkaaga ilaalintiisa
Intaba weliga ku daasho
Abaal iyo garasho buuxda
Amama amraney xushmaynta
Waqaa kugu eegi maayo
Hadaad raaliyo ahaato
Hadaad afarqaadka dhaafto
Hadaad adinkaaga dhawrto
Aduunku haduu ku sheego.
Inaad tahy johorad aadmi
Isagu iimansan maayo
Wuxuu arkayaa haweenka
Dariiqa midii ordysa
Amaba meel baas u jeeda
Adiga ku adeeci maayo
Ilayn waxaad tahy bashare
Haduu arin kaa halaabo
Intuu samir aayar yeesho
isagu kugu caawin maayo
Inuu mida saxa ku siiyo
Intuu oriyoo cabaado
Ayuun bay jaarka gaadhi
Dhaliishii aad agtiisa
adoon ula jeedin keentay
Hadhawna intuu is xoojo
Ayuu ehelkiyo asxaabta
Dhamaan wada gaadhi iintu
Adoo qajilaad bestaaya
Adoo qalbigii ka huuray
Ayuu warqadoo af duuban
Indha kaa saari huuno
Hadaan alle kaaga keenin
Ogow meherkana ma dhiibo
Afrtaa wiilkaa warkiisa
Miyaan ku xariiqay eegga
Bal aan odyada gaboobay
Ilaa lixadan gaadhay eego
Iyaga arinkooda baayo
Ilbaadsho amuurahooda
Ilayn waa boqol jir uune
Adoo shabbadoo asluubleh
Intuu ku heluu ku caayi
Naftiisana kuma astaysana
Kalsoonidu kuma arsaaqna
Hadaad ilinkaba istaagto
Wuxuun buu moodi eedo
Isagoon saqadh qudha maqlaynin
Ayuun buu qaylo oogsan
Waxaanu arkayn dagaali
Adeerkiyo aabahaaga
Walaalka ama abtiga
Intuu eegoonu fiirsan
Ayuun buu qaarta saari
Adiga ku adeeci maayo
Awlaada ma xeerinayoo
Xididka ixtiraami mayo
Intaba shakigaa ka wayne
Wuxuu kaa dhigi adaahi
Ufoo ka qadhmuun dhunkaasha
Martida aqalkaaga joogta
Intuu ka shakiyo warkooda
Aday kugu diri yidhaahdo
Ayuun buu qaar ku baacasan
Isaga oday raqa warkiisa
Intaa uma dhaafi doono
Hadan amraneey midhkayga
Hadaan heli laa asteeyo
Aqoon yahan caana weeye
Asluub iyo dhaqan leh weeye
Raga dalka eega jooga
Xoogisiyo waa uhdiisa
Sodonka inyar buu dul dhaafay
Ilaa konton muu ahaanin
Arlada ogobeey la joogo
Wuxuun baa lagu arkaaye
Dad iyo duunyoba intiisa
allaha xaakimi u kiilye
Ogow sogob qaawan maha
Nin dooboo iinleh maha
Asqiyo iska xiime maha
Fusuqa mid ku aadan maha
Arlada mid xumaan ku sheegan
Dadkuna ka cabsoodo ma aha
Sirkhaan I dilaaya ma aha
Aboodi I ruufa ma aha
Xigtada mid indhaha ku taga
Amaba ehelkiisa gooya
Ogow hada kaygu ma aha
Ilaahay adeecidiisa
Awaamiirtiyo xaqiisa Ogoow
mid ka leexday maha
Ilayn raga ooryahooda
Ilahy kuma yarayne
Haduu hore aqal u taagay
Mid dhibay oo eed u gaystay
Ninkani ma ahee yaqiinso
Awlaadiyo reerihiisu
Arlada dar ka sheegan weeye
Aqoon iyo diin leh weeye
Haduu allahy I siiyo
Anigu kaasaan arkooday
Labaatan jir eegi maayo
Sodonka ma ilbaadinaayo
Lixdanka uba joojin maayo
Afartan isagoo in dhaafay
Amaba sanadkaa u buuxa
Ayuun baan doonayaaye
Carruurta I dhaafi eegga
Odayna haysoo karbaashin
I dhaafi intaba dhibtooda
Masuul asalaan rabaaye
Araarta hadaan dhameeyay
Midkaan eegtoow warkaaga
Aduunka hadaan u sheegay
ahaaw caynkaan tiraabay
Aniga dhinacayga aamin
Arlada uunkaa dhex jooga
Adaan gidi kaala baxaye
Bilaahiye hay irdhaynin
Jacaylkana ood ha saarin
Nasiibkana hayga oofasan
Intaad hebelow ku taalo
Hadaan kuu sii asteeyo
Intood durugtood fogaatay
Ooftiyo sanbabkayga dhaaftay
Ayaad qalbigiyo agtiisa
Ku leedahy seere oodan
Aadane nooloo la sheegay
Inuu kaa daba yimaado
Allaha xigmadiisa mooyi
Anigu ma qorshaysan xaaji
By: Maryama Xurmo Cooraaf
Maansada ILBAADSI Erayadii Hal Abuur Maryama Laki Cooraaf
Hal abuur Maryama Laki Cooraaf Waxay Maansadan ku sheegtay Kii ay Guursan lahayd noocu noqon lahaa iyo da'du ahaan lahaa