Xarakada Al-shabaab oo soo bandhigtay lixdameeyo askari oo isku dhiibay+Sawirro

0
Sunday September 25, 2016 - 12:34:09 in by Burco Office
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al-shabaab oo soo bandhigtay lixdameeyo askari oo isku dhiibay+Sawirro

    Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta degaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigtay lixdameeyo askari oo ay sheegeen iney ka soo goosteen ciidanka dowladda Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta degaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigtay lixdameeyo askari oo ay sheegeen iney ka soo goosteen ciidanka dowladda Somalia. Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Galgaduud Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in ciidanka soo goostay ay sidoo kale wateen hubkooda oo u badnaa qoryo, ayna si wanaagsan u soo dhoweeyeen isagoo aan faahfaahin ka bixin qaabka ay suuragashay in ciidamo tiradoodi intaas le’eg tahay ay mar kaliya isa soo dhiibaan.

Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa intaa ku daray in ciidanka isku soo dhiibay ay tiradoodu gaareyso 60 askari kuwaasoo uu xusay iney inay Alle u towbad keeneen.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay cafis u fidisay raggaasi, maadaama ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda Somalia sida uu warka u dhigay.

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe u qaabilsan Al-shabaab Shiikh Yuusuf Ciise (Kaba Kutukade) oo ku sugnaa goobtaas ayaa ashahaadada u qabtay raggan la soo bandhigay.

Al Shabaab ayaa toddobaadkii hore dib ula wareegay degaanka Galcad ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka Itoobiya iyo kuwii dowlada ee la socday.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawirro laga qaaday raggan la sheegay iney goosteen ciidamada dowlada inkastoo aysan wadan dareyska ciidamada dowlada yaqaano.

Dowlada Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin raggan Al-shabaab ay soo bandhigeen iney ka tirsanayeen ciidankooda iyo in kale.