Daawo;Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Somalia oo Khudbad ka jeedayay Shirka Guud ee Qaramada Midoobay

0
Sunday September 25, 2016 - 16:29:46 in by salman abdi
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo;Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Somalia oo Khudbad ka jeedayay Shirka Guud ee Qaramada Midoobay

    Wasiirka arimaha dibada Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa khudbad uu kaga hadlayo Xaaladda Somalia ka jeediyay Shirka Guud ee QM ee ka socda Xarunta QM ee New York.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arimaha dibada Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa khudbad uu kaga hadlayo Xaaladda Somalia ka jeediyay Shirka Guud ee QM ee ka socda Xarunta QM ee New York.

C/salaan Hadliye, ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ay ku jirto Xaaladda Somalia, wuxuuna xusay in dalalka caalamka looga baahan yahay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageeraan sidii Al-shabaab Deegaannada ay weli ka taliso looga saari lahaa.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xusay in caalamka looga baahan yahay inay u midoobaan la-dagaalanka Al-shabaab, isagoo xusay in Dowladda Somalia ay ka go’an tahay in ay Al-shabaab diiradda saarto, iyadoo kaashanaysa ciidanka Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.

Wasiir Hadliye, ayaa khudbaddiisa kaga hadlay horumarka ka jira Somalia, isagoo xuay in dalku markaan u baahan yahay maal-gashi Caalami ah si uu uga soo kabto dhaqaalo-yarida jirta. Isagoo dhanka kalena ka hadlay Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka dhawaan wuxuuna xusay inay Dowladda Federaalka ka go’an tahay in doorashadan ay noqoto mid ka madax-bannaan musuq-maasuq.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa is-bedelka cilimada iyo dhaqaaloexumida soo wajahday qaar ka mid ah Waddamada Caalamka, isagoo ka Dalbaday Xubnaha Kulanka QM ka Qayb-galaya inay meel uga soo wada-jeestaan arrintaas.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa shirka Guud ee Qaramada Midoobay ku metelaya Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo aan sannadkan ka qayb-gelin sababo la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadkan.