Shidaal baaris ka socotay Badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Somalia oo la joojiyey

0
Sunday September 25, 2016 - 18:43:21 in by Burco Office
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shidaal baaris ka socotay Badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Somalia oo la joojiyey

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Kenya, Githu Muigai ayaa sheegay inay hakiyeen heshiisyo shidaal baaris ah oo ay horay u siiyeen shirkadaha baara shidaalka ee ka howlgalayey badda lagu muran san yahay ee Somalia iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Kenya, Githu Muigai ayaa sheegay inay hakiyeen heshiisyo shidaal baaris ah oo ay horay u siiyeen shirkadaha baara shidaalka ee ka howlgalayey badda lagu muran san yahay ee Somalia iyo Kenya.

Githu Muigai ayaa sababta ay go’aankan u qaateen ku tilmaamay si kalsooni loo siiyo dowlada Soomaaliya iyo Maxkamadda ICJ.

Dowladda Kenya ayaa intaas ku dartay in afar Ceel oo shidaal baaristu ka socotay hakad la geliyay kuwaasoo kala ah Ceelka 21aad, 22aad 23aad iyo 24aad, kuwaasoo dhaca badweynta India.

Dacwadda badda ee u dhaxeysay labada dal ayaa in la furayo iyo in kale dood la xiriirtay la soo afjaray Jimcihii la soo dhaafay,waxaana go’aan laga sugayaa Maxkamadda ICJ ee Dalkaasi Holland ku taalla.

Badda ay Somalia leedahay balse Kenya ay sheeganeyso ayaa baaxadeeda lagu qiyaasay 42,000-Km, taasoo la rumeysan yahay in kheyraad dabiici ah uu ka buuxo.