Gaadhi Uu la socday Xeerilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo Muqdisho lagu weeraray

0
Monday September 26, 2016 - 17:02:47 in by Burco Office
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadhi Uu la socday Xeerilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo Muqdisho lagu weeraray

    Kooxo hubeesan oo la sheegay in ay wateen gaari yar ayaa saakay weerar ku qaaday gaari kale uu watay Xeerilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle dhexe C/llaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge ).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeesan oo la sheegay in ay wateen gaari yar ayaa saakay weerar ku qaaday gaari kale uu watay Xeerilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle dhexe C/llaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge ). Sida aan Wararka ku heleyno kooxaha hubeesan ayaa gaari ku hor jaray gaarigii uu la socday Gaashaanle Dhaxe Mayoonge ,waxa ayna huwiyeen rasaas xogan oo dhalisay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa xaqiijiyay in weerarkan uu dhaawac kasoo gaaray Gaashaanle dhexe C/llaahi Xuseen Maxamed Mayoonge , waxaa sidoo kale weerarkan ku dhintay darawalkii gaariga ku waday xeer ilaaliyaha.


Dhaawaca Mayoonge ayaa loo qaaday mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu weerarku ka dhacay oo aheed agagaarka Saldhiga booliiska Degmada Wardhiigley ka baxsaday gaarigii weerarka fuliyay.


Weerarada loo adeegsado gaadiidka ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan dambe noqday kuwa yaraaday, waxaana xiliyada qaar Caasimada ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto dad shacab ah iyo xubno Dowlada u shaqeeya.