Xisbiga Wadan Laantiisa Sudan Oo Barnaamij Lamaagc Baxay Xus Oo Xal U Keen Dhibaatoyinka Dalkaa Hooyo Oo Xalay Qabtay +Sawiro

0
Monday September 26, 2016 - 17:19:32 in by Burco Office
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Wadan Laantiisa Sudan Oo Barnaamij Lamaagc Baxay Xus Oo Xal U Keen Dhibaatoyinka Dalkaa Hooyo Oo Xalay Qabtay +Sawiro

    Waxa xalay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan kuso geba geboobay qaybtii koowaad ee barnaamijkii "XUS OO XAL UKEEN DHIBAATOOYINKA DALKAAGA HOOYO"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa xalay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan kuso geba geboobay qaybtii koowaad ee barnaamijkii "XUS OO XAL UKEEN DHIBAATOOYINKA DALKAAGA HOOYO"

Barnaamijkan oo uu iskusoo duba riday Xisbiga waddani laantiisa dalka Sudan, Barnamijkan oo bar-bilaw unoqon doona barnaamijyo Taxane ah oo xarunta xisbiga waddani ee Sudan uqaban doonto Aqoonyahanka Somaliland ee wax ka barta dalka Sudan. Wuxuu barnaamijkani qayb wayn ka qaadan doonaa is dhexgalka iyo dood wadaaga ardayda Somaliland iyadoo aanu umarayno inaanu usoo diyaarino Barnaamij DHEX UNOQON KARA dhamaan aqoonyahanka qaybihiisa kala duwan. - Waxa hamigayagu yahay inaanu abuurno Bulsho ku kala duwan taageerada Axsaabta qaranka Laakiin awood ule inay Hal-goob kuwadaagi karaan Doodaha qaranimada Somaliland loogu adeegayo. -Waxaa naga reeban inaanu qol madow uxidhano Bulshada na taageersan oo keliya Balse waxaanu utaaganahay inaanu dhamaan bulshadayada si isku mida ugu adeegno. Barnaamijkan oo ay sabab utahay:

1) Kadib markaanu aragnay dhalinyaro aqoonyahana oo dood cilmiyaysan isku dhaafsanaya goobaha lagu kulmo iyagoo inta badan ka sheekeeya dhibaatooyinka dalka isla markana sheega siday xalka u arkaan, Isla goobtiina lagaga kaco wixii feker iyo xal ahaaba.

2) Kadib markaanu aragnay inay dhalinyartu xujo ka dhigtaan inaan cidina fekerkooda dhegaysan ayaanu jaanis usiinay barnamijkan. -Kadib markaanu aragnay baahida loo qabo inaynu qarxinno awoodaha ku kaydsan aqoonyahankeena waxbartay.

3) Kadib markaanu qiimaynay in dhalinyartu baahi uqabto in loo taba baro siday ugudbin lahaayeen dareenkooda aqooneed. -Barnaamijkan oo aanu ugu talo galay inay ka qayb qaataan Aqoonyahanka ardayda Somaliland ee dalka sudan iyadoo aan loo eegayn xisbiga ay taageersan yihiin laakiin aynu doonayno inaynu fekerkeena oo midaysan ku bad baadino dalkeena hooyo. -Barnamijkan oo noqon doona mid aan cidi gaar ulahayn laakiin noqon doona Hanti qaran oo umaddeena udhexa Iminka iyo mustaqbalkaba. -Barnaamijkan oo aanu ugu talo galay inay aqoonyahanka Somaliland ee dalka sudan hormuud ugu noqdaan feker curinta aqoonyahankeena kala duwan. Qaabka looga qayb qaadan karo Barnaamijkan:


1) Inuu aqoonyahan kastaa ku koobnaado takhasuskiisa jaamacada isla markaana uu ka hadlo dhibaatooyinka ku xeeran wuxuu bartay marka wadankii lajoogo isla markaana waa inaad xusto sida lagu xallin karo dhibtaa aad sheegtay, iyo sida loo horumarin karoba. Tusale: hadaad dhaqaale (Economy) baratay waa inaad ka hadashaa dhaqaale xumada wadanka haysata iyo waxa sababay, isla markaana waa inaad sheegtaa sida xal loogu heli karo dhaqaale xumada dalka, ugu dambayna waa inaad ka hadashaa sida loo kobcin karo dhaqaalaha wadanka.


2) In uu aqoonyahanku doorto dhibaato gaara oo bulshadeena iyo dalkeena haysata aqoon fiicana uu kahaysto, isla markaana xalkeeda iyo sidii looga bixi lahaana raaciyo. Fariinta Barnaamijku xambaarsan yahay waa in lahelo Aqoonyahan ku kala duwanaan kara taageerada axsaabta qaranka, halka ay uwada socdaana ay tahay horumarinta iyo ka shaqaynta midnimada jamhuuriyadda Somaliland.


xafiiska xisbiga waddani laanta dalka sudan