War Deg Deg Ah: Doorashooyinkii Ka Dhici lahaa Soomaaliya Oo Mar kale Dib U Dhacday

0
Monday September 26, 2016 - 20:23:03 in by Hargeysa Office
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Doorashooyinkii Ka Dhici lahaa Soomaaliya Oo Mar kale Dib U Dhacday

    Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Cumar Cabdulle Dhagey oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in muddo bil ah dib loo dhigay doorashooyinka dalka ka dhici lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Cumar Cabdulle Dhagey oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in muddo bil ah dib loo dhigay doorashooyinka dalka ka dhici lahaa. Cumar Dhagey oo saxaafada u akhrinayey war-saxaafadeed ay soo saareen ayaa intaa ku daray in doorashada madaxtinimo ee dalka la qaban doono 30-ka Bisha November ee socota halka doorashada labada aqal iyana la qaban doono isla bishaas gudaheeda.

Xubnaha aqalka sare ayaa la dooran doonaa 5-ta bisha Oktoobar, xildhibaanada Baarlamanka ayaa iyana la dooranaa inta u dhexeysa 23-ka Oktoobar illaa 10-ka Novembar, gudoonka labada aqal waxaa iyana la dooranayaa 23-ka Novembar halka doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 30ka Novembar sida uu sheegay Cumar dhagey.

"Dib u dhaca doorashada ayaa waxaa sabab u aheyd arrimo la xiriira dhaqaalaha doorashooyinka dalka oo aanan wali la helin iyo arimo kale” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban.

Hadalka Cumar dhagey ayaa khilaafsan hadal horey uga soo yeeray beesha caalamka oo sheegayey iney bixiyeen inta badan dhaqaalihii loogu talo galay doorashooyinka.

Dhowr mar oo hore ayaa dib loo dhigay doorashooyinka dadban ee lagu wado iney dalka ka dhacaan sanadkan, iyadoo dib u dhacyada isdaba jooga ahna loo sababeeyey arrimo kala duwan.

War-saxaafadeedka ay gudiga doorashooyinku soo saareen ayaa o qonaa sidatan:

Warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen Guddiyadda Doorashooyinka ee 2016

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka Sebtember 2016, waxaa la soo gabagabeeyey shir saddex (3) maalmood u socday Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashayooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddoomiyayaasha Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD), shirkaas oo looga wada tashanayey arrimaha doorashooyinka isla mar ahaantaasna lagu sameynayey qiimeyn ku saleysan xaqiiqda ka jirta deegaan doorashooyinka sida, horumarka la sameeyey, caqabadaha soo baxay intii hawsha lagu guda jiray iyo waqtiga loo baahan yahay in lagu dhammaystiro hawlaha dhimman.

Horumarka la gaaray

Hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka wuxuu sameeyeey horumar la taaban karo. Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedyada jira iyo kuwa dhismi doona. Waxaa socda soo dhammeystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la diyaariyey goobihii cod bixinta.

Caqabadaha soo baxay intii shaqadu socotay

In kastoo horumar baaxad leh laga gaaray arrimaha doorashooyinka waxaa muuqata in shaqooyinka qaarkood aysan ku qabsoomi karin jadwalkii shaqo ee loo qorsheeyey sabababo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siyaasadeed, amni, maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, guddiga xallinta khilaafaadka oo aan weli shaqo galin iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhammeystirin liisaska ergooyinka. Sidoo kale, dib u dhac ayaa ku yimid dhismaha xubnaha Aqalka Sare kaas oo caqabad ku noqday soo gudbinta liisaska ergooyinka Golaha Shacabka maadaama uu saamaynayo qaybsiga kuraasta ee beelaha.

Arrimaha Hiiraan/Shabellaha Dhexe

GFHDD iyo GDGHDD ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay isugu yeereen madax dhaqameedyada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu jira 135 ta madax dhaqameed si ay ugala tashadaan goobta doorasha ee labada gobol. Wada hadal dheer kadib, 16 ka mid ah 18ka madax dhaqameed ee labada gobol waxay isku raaceen in doorashada labadaas gobol ay ka dhacdo caasimadda Muqdisho. GFHDD isagoo tixgelinaya go’aanka odayaasha waxay soo dhaweeyeen is afgaradka odayaasha labada gobol ee ku taariikheysan 25/09/16.

Arrimaha Soomaaliland

GFHDD markii ay la tashadeen GDGHDD ee Soomaliland ayna dhageysteen caqabadaha jira ee ka hortaagan qabsoomidda dooroshooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxey codsanayaan in si deg deg ah xal looga gaaro caqabadaha siyaasadeed ee horyaala Soomaaliland si ay uga qeyb qaadato geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka loona ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Go’aammada laga gaaray Jadwalka Doorashooyinka 2016:

In si dhaqso ah loo geeyo ciidamo AMISOM ah xarunta doorashada Dowlad- Goboleedka Galmudug ee Cadaado si loo sugo amniga doorashada ee 2016 ka;
In Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gudbiyaan xubnaha musharraxiinta Aqalka Sare ugu danbeyn 5 ta bisha Oktoobar 2016;
In Guddiga Xallinta Khilaafaadka hawlgalo 8 da Oktoobar;
In liiska magacyada ergada doorashooyinka ee Golaha Shacabka la soo dhammeystiro ugu dambeyn 10 ka bisha Oktoobar;
In doorashada Golaha Shacabka la qabto inta u dhaxeyso Oktoobar 23-10 ka Nofeembar ee sannadka 2016ka. Kursi kasta oo ergadiisa diyaar noqota doorashadiisa way dhacaysaa markii la gaaro wakhtiga loo asteeyey doorashada Golaha Shacabka ee Barlaamaanka;
In doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka cusub la qabto 23 ka bisha Nofeembar;
In doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30 ka bisha Nofeember ee 2016.

Ugu dambayn:

GFHDD waxuu u mahad celinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taageerada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa saaxiibada beesha caalamka oo taageero maaliyadeed iyo mid farsamaba ka gaystay hirgelinta doorashooyinka dadban ee 2016 ka.