Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ku baaqaysaa in la sii daayo weriye Axmed Sakaaro

0
Monday September 26, 2016 - 20:34:31 in by Hargeysa Office
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ku baaqaysaa in la sii daayo weriye Axmed Sakaaro

    Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xadhiga suxufi Axmed Muuse Sakaaro oo 25kii September 2016 lagu xidhay Magaaladda Burco. Waxaa lagu eedeeyey kicin isaga oo suxufiyiinta ugu baaqay insay is-difaacaan, sida uu Xarunta u sheegay Taliyah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xadhiga suxufi Axmed Muuse Sakaaro oo 25kii September 2016 lagu xidhay Magaaladda Burco. Waxaa lagu eedeeyey kicin isaga oo suxufiyiinta ugu baaqay insay is-difaacaan, sida uu Xarunta u sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska Togdheer.
Axmed wuxuu dhowaancanbaareeyeyhadal uu Wasiirka Madaxtooyadu uguhanjabayin laga xoraynayo dalka wuxuu ugu yeedhay suxufiiyinta sida budhcadda u shaqaysa. Isaga oo u jawaabaya Wasiirka, Axmed wuxuu ugu baaqay suxufiyiinta inay feejignaadan oo is ilaaliyaan.

Lix suxufi oo kale ayaa dacwado ciqaab ahi kaga socdaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Lixdaas suxufi oo kala ah Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim, gudoomiyaha wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf, tafatiraha guud ee Foore, Calimahdi Jibriil Xasan, Bulsho TV, Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska Hubsad, Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatiraha guud ee Hubsad, iyo Muuse Faarax Jaambiir, gudoomiyaha wargeyska Ogaal.

Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa in warbaahintu ay madaxbanaan tahay isaga oo mamnuucaya fal kasta oo lagu cabudhinayo. Dastuurka iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay ilaaliyaan xorriyadda warbaahinta.

Xadhiga loo gaysanayo suxufiyiintu wuxuu xad gudub ku yahay dastuurka Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Hadalada dawladda ee ku saabsan saxaafaddu waa kuwo dhiillo leh. Xorriyadda warbaahintu maaha khatar islamarkaana maaha hadiyad. Waa xaq dastuurku damaanad qaaday.

Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Axmed Muuse Sakaaro, ayna laasho dacwadaha ciqaabta ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland

Email:hrcsomaliland@gmail.com

26thSeptember 2016 19/2016

Somaliland authorities arrest journalist in Buroa

Human Rights Centre (HRC) strongly condemns the arrest of Ahmed Mouse Sakaaro, journalist based in Buroa. Ahmed was arrested on 25thSeptember 2016 at Buroa, east of Somaliland. The authorities accused Ahmed for inciting violence by urging the journalists "to defend themselves,” Togdheer Regional Police Commissioner told HRC.

Ahmed recentlycondemnedstatement made by the Minister of Presidency whothreatenedto liberate from the country what he called pirate journalists. In response to the Minister, Ahmed called the journalists to stay vigilant and on guard.

Six other journalists are currently facing criminal trials in Hargeisa Regional Court. Abdirashid Abdiwahaab Ibraahim, chairman ofFoorenewspaper, Mohamed Mohamoud Yousuf, editor-in-chief of Foore, Alimahdi Jibril Hassan, Bulsho TV, Cabdirashiid Nuur Wacays, chairman ofHubsadnewspaper, Siciid Khadar Cabdilaahi, editor-in-chief ofHubsadnewspaper, and Muuse Faarah Jaambiir, chairman ofOgaalnewspaper are all prosecuted according to the Penal Code.

Somaliland constitution states that the media are independent and prohibits any action that suppresses media. The constitution and the Universal Declaration of Human Rights uphold freedom of media.

"The recurring arrests of journalists are clear violation of Somaliland constitution and the international standards. The government narratives is alarming. Freedom of media is neither threat nor a gift. It is constitutionally guaranteed right,” says Guleid Ahmed Jama, the chairperson of Human Rights Centre.

"We call on the authorities to immediately release Ahmed Mouse Sakaaro, and drop the criminal charges against the journalists,” he adds.

 

Contact

Guleid Ahmed Jama

Chairperson of Human Rights Centre

Hargeisa Somaliland Email:hrcsomaliland@gmail.com