Askari Ugandhes Gacanta Ugu jira Al-shabaab Oo fariin Muuqaal ah Soo Diray +Sawiro

0
Tuesday September 27, 2016 - 01:00:33 in by Burco Office
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Ugandhes Gacanta Ugu jira Al-shabaab Oo fariin Muuqaal ah Soo Diray +Sawiro

    Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay Muuqaal Video oo uu kasoo muuqanayo Askari Maxbuus ah oo u dhashay dalka Uganda, kaasoo sanad ka hor lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degaanka Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay Muuqaal Video oo uu kasoo muuqanayo Askari Maxbuus ah oo u dhashay dalka Uganda, kaasoo sanad ka hor lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degaanka Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalkaas ayaa dhacay ka dib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero milateri oo ciidanka Ugandha ku lahaayeen Janaale, askar badan oo Ugandhes ah ayaa lagu dilay halkaas.

Askarigan oo lagu magacaabo Masassa M.Y waxa uu Ciidamada Meliteriga ee dalka Uganda kusoo biiray Sannadkii 2009kii, isagoona ka mid ahaa cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya la keenay.

Masassa M.Y oo wejigiisa laga dareemayey cabsi uu naftiisa u baqayo ayaa farriintiisa kula hadlay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni iyo Shacabka dalkiisa isagoo codsaday in laga shaqeeyo sidii looga sii deyn lahaa gacanta Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa sii deynta maxbuuskan iyo maxaabiis kale oo ka tirsan ciidanka AMISOM ku xirtay shuruudo adag oo ay ka mid yihiin in ciidanka AMISOM ka baxaan Somalia.