Hordhaca Kulanka Leicester City vs FC Porto, Claudio Rianeri Iyo Wiilashiisa Oo Raadinaya Iney Iska Dhaqaan Ceebtii Kasoo Gaartay Man United

0
Tuesday September 27, 2016 - 05:03:39 in by Burco Office
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Kulanka Leicester City vs FC Porto, Claudio Rianeri Iyo Wiilashiisa Oo Raadinaya Iney Iska Dhaqaan Ceebtii Kasoo Gaartay Man United

    Kulanka: Leicester City Vs FC Porto Saacada geeska Afrika: 9:45 Garoonka: King Power Stadium Faalnqeynta Kulanka: Leicester City oo Xili ciyaareedka si xun ku bilaabatay horyaalka ayaa marti qaadi doonto FC Porto oo iyadana kulankii 1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Leicester City Vs FC Porto Saacada geeska Afrika: 9:45 Garoonka: King Power Stadium Faalnqeynta Kulanka: Leicester City oo Xili ciyaareedka si xun ku bilaabatay horyaalka ayaa marti qaadi doonto FC Porto oo iyadana kulankii 1aad kusoo kuftay Copenhagen. Naadiga ilaashaneesa Horyaalka England Leicester City ayaa Gurigeeda King Power Stadium ku ciyaari doonto kulankeedii 1aad UCLga taariiqdeeda isla markaasna ku casuumi doonto naadiga reer Portugal FC Porto. Naadiga lagu naaneeso Foxes ayaa guul raaxo leh ku furatay kulankoodii 1aad ee Ciyaaraan tartankaan UCLga isla markaasna 3-0 ku dubtay naadiga ay isku Groupka yahiin ee Club Brugge. Wiilasha macalin Claudio Ranieri ayaa doonaayo inay kasoo kabsadaan Moral xumadii ay ka qaadeen kulankii Todobaadkaan 4-1 guul darada ka soo gaartay Gegida Old Trafford. Dhanka kale Porto ayaa Horyaalka si fiican ugu bilaawday 6dii kulan ee ciyaartay Xili ciyaareedkaan 1 guul daro ayay la kulantay iyadoo aruursatay 13 dhibcood isla markaasna Benfica iyo Sporting kadib Kaalinta 3aadna fadhisa. Porto 5tii kulan ee ugu danbeesay 1 jeer ayay guuldareesatay halka Leicester na 2 guul iyo 3 Guul daro heesato inkastoo Guul darooyinkaas ay ka qaadatay naadiyada Liverpool, Chelsea iyo Manchester United.