Waddanka Bixiyey Lacagtii Dawladda Soomaaliya Kaga Baxday Dacwaddii Muranka Badda Oo La Shaaciyey Iyo Masuulka Fashiliyey

0
Tuesday September 27, 2016 - 09:35:04 in by Burco Office
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddanka Bixiyey Lacagtii Dawladda Soomaaliya Kaga Baxday Dacwaddii Muranka Badda Oo La Shaaciyey Iyo Masuulka Fashiliyey

    Wasaaradda Arimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horrasay shaacisay Dowladdii gacanta ka siisay bixinta kharashaadkii faraha badnaa ee ku baxay qareenadii Dowlada Federaalka Soomaaliya u qabsatay difaacidda Badda Soomaaliya ee Muranku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horrasay shaacisay Dowladdii gacanta ka siisay bixinta kharashaadkii faraha badnaa ee ku baxay qareenadii Dowlada Federaalka Soomaaliya u qabsatay difaacidda Badda Soomaaliya ee Muranku kala dhaxeeyey dalka Kenya.


Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha Dibadda ee uu masuulka ka yahay ay gacan weyn ka gaysatay keenista lacagtii ku baxday qareenadii Dowladda Soomaaliya u qabsatay difaaca kiiska dacwadad Badda Soomaaliya ee dhawaan ka dhacday Maxkamada ICJ.

 

C/salaan Hadliye ayaa caddeeyay in Dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabtu ay bixisay lacagtii ku baxday qareenadii Soomaaliya ku difaacayay kiiska Badda Soomaaliya, waxaana uu xusay in kiiskaasi ay ku baxday lacag aad u badan balse aanu sheegin cadadka ay tahay.
”Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lacagta qareenada Soomaaliya difaacayay keentay, waxaa lacagtaasi nasiiyay ugana mahad celinaynaa Dowlada Imaaraatka Carabta ”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sidoo kale ammaanay Dowlada Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay dowladda Soomaaliya wax badan ka caawisay ayna uga mahad celinayaan .