Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Deeq Balaadhan Ku Wareejay Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa

0
Tuesday September 27, 2016 - 09:37:01 in by Burco Office
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Deeq Balaadhan Ku Wareejay Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa

    Wasiirka Wasaarada Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Ayaa Maanta ku Wareejiyay Masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa Agab Kala Duwan oo Iskugu Jiray 340 Kartoon oo Ay ku Jiraan Caano iyo DAwooyin loogu Talo Galay Dadka Bukaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Ayaa Maanta ku Wareejiyay Masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa Agab Kala Duwan oo Iskugu Jiray 340 Kartoon oo Ay ku Jiraan Caano iyo DAwooyin loogu Talo Galay Dadka Bukaanka eek u Jira Cusbitaalkaasi

CusbitaalkaUgu horeyn Wasiirka Wershadaha Shucayb MAxamed Muuse ayaa Goobta ka hadlay waxaana uu ka dhawaajiyay Inaanay Haba yaraatee noqon doonin markii ugu danbaysay ee ay Deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiyaan Ka wasaarad ahaan Dadka Bukaanka ah eek u jira Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa Waxaana uu Wasiirku Carabaabay inay jidka kusoo jirto Agab kan manta ka badan oo loogu talo galay Cusbitaalka.


Guud ee Hargaysa ayaa Inta badan waxaa uu ku Tiirsan Deeqo Kala duwan oo kasoo gaadha Bulshada Qaybaheeda Kala duwan Waxaana la sheegaa In Ay Xukuumada Somaliland Miisaaniyad ku bixiso Cusbitaalkaasi

 

Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargaysa Ayaa Si ARsmi ah ugala Wareegay Wasiirka Wershadaha Deeqdaasi Waxaana uu mahadcelin balaadhan usoo jeediyay Kartida iyo Garashada baahidan oo cusbitaalka wax weyn ka taraysa marka loo eego bukaanka tirade badan ee Cusbitaalka ku xaraysan

Cusbitaalka Hargaysa ayaa waxa uu sidoo kale leeyahay Qayb lagu xanaaneeyo dadka dhimirka qaba oo la iska ilaaway marka laga yimaado eheladooda oo la daala dhacaya Quudinta iyo ka warhaynta Dadkooda

Si Kastaba Ha ahaatee Maaha markii ugu Horeysay ee Xukuumada Somaliland deeqo kala duwan soo gaadhsiiso Cusbitaalka guud Magaalada Hargaysa waxaana ay Masuuliyiinta Cusbitaalkaasi Naawilayaan Cid Kale oo kala qayb qaadata u Gargaarista Bukaanka ku Jira Halkaasi.