Jilaa Caan ah oo ka baxsaday Dalka Itoobiya kana hadlay sababta ku kaliftay in uu baxsado

0
Tuesday September 27, 2016 - 09:45:44 in by Burco Office
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jilaa Caan ah oo ka baxsaday Dalka Itoobiya kana hadlay sababta ku kaliftay in uu baxsado

    Jilaa si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu kasoo baxsaday, waxa uuna Jilaagaan magan galyo siyaasadeed weydiistay Dowlada Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jilaa si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu kasoo baxsaday, waxa uuna Jilaagaan magan galyo siyaasadeed weydiistay Dowlada Mareykanka.
Znah-Bzu Tsegaye, oo kamid ahaa jilayaasha ugu caansan dalka Itoobiya kana qeyb qaatay jiliinka filimaan caan ah ayaa sheegay in uu noloshiisa kala soo baxsaday tacadiyada ay ciidamada Itoobiya u geesanayaan dadka shacabka.

Jilaagan oo kasoo jeeda Qowmiyada amxaarada ayaa cadeeyay in dhibaato gaar ah lagu hayo dadka kasoo jeeda Qoymiyadaha amxaarada iyo Oromada, waxa uuna Jilaagan dantu ku qasabtay in noloshiisa kala soo baxsado dalka Itoobiya.


Magaalooyin kuyaala dalka Itoobiya waxaa ka socday Mudaharaadyo ay dhigayeen dad kasoo jeeda Qoymiyadaha Amxaarada iyo Oromada, waxa ayna dadkan ka cabanayeen dhibaato ay kala kulmayaan Dowlada ay hogaamiyaan Qoymiyada Tigreyga.


Ciidamada Itoobiya ayaa gudaha Itoobiya ku dilay dad badan oo kasoo horjeeday Dowlada kana qeyb qaadanayay banaan baxyada, waxa ay sidoo kale xabsiyada ku gureen Siyaasiyiin iyo dad kale oo kasoo jeeda qoymiyadahaasi.

Bilo kahor ayey aheed markii Orodyahan isna kasoo jeeda Qoymiyada Ormada kana qeyb galay Tatanka Olombikada ee ka dhacay Brazil uu bixiyay astaan muujineysa dhibka ka jira Itoobiya, waxa uuna Oradyahankan diiday in uu ku laabto dalkiisa , isagoona iska dhiibay dalka Mareykanka.