Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa war kasoo saaray Doorashada Soomaaliya ee mar kale dib u dhaca ku yimid.

0
Tuesday September 27, 2016 - 16:46:58 in by salman abdi
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa war kasoo saaray Doorashada Soomaaliya ee mar kale dib u dhaca ku yimid.

    Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa war kasoo saaray Doorashada Soomaaliya ee mar kale dib u dhaca ku yimid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa war kasoo saaray Doorashada Soomaaliya ee mar kale dib u dhaca ku yimid. Beesha Caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Dib u dhac kale uusan ku imaan doonin Doorashooyinka sanadkan 2016-ka la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Boqortooyada Engriiska, iyo Mareynkanka ayaa lagu sheegay in ay markale uusan dib u dhac ku imaan doonin Doorashada Soomaaliya, oo Bisha November ee soo socota aysan ka dib mari doonin.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada, waxayna ku taliyeen in Doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha ay muhiim tahay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa horey u sheegay in ay bixiyeen Boqolkiiba Lixdan lacagta ku bixi laheyd Doorashada Soomaaliya, iyagoo sidoo kale codsaday in Doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.

Soomaaliya waxa ay galaysaa waqti kala guur ah waxaana lagu wadaa in dalka ay ka dhacaan Doorashooyin Bilaha October iyo November, waxaana mar kale jira shaki lagaqabo in uu dib u dhac kale yimaado.

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa shalay mar kale shaaciyay in dib u dhac kooban uu ku yimid Waqtigii horey loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada labada aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.